Xidiga kooxda Chelsea Diego Costa ayaa qirtay inuu xaalad adag ku sugnaa ka hor inta uusan ka bixin abartii dhanka goolasha xulka Spain ka heesatay.
Weeraryahankan awooda badan jah wareer heer qaran ah ayaa soo wajahay balse axadii aan kasoo gudubnay ayuu ka baxay madaama uu xul Spain gool u dhaliyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen xulka Luxemburg kulan k tirsanaa isreeb reebka Euro 2016.
“Dhibaato joogto ah ayaan qabay madaama abaarta goolasha ay igu raagtay, marwalbo marka aan garoonka soo galo waxaan niyada ku haayay sidii aan u dhalin lahaa”
“Balse haatan culeeskaas wuu iga dagay madaama aan gool muhiim ah xulkeyga u dhaliyay waxaana filaa inaan sii wadi doonto gool dhainta xulkeyga madaama tagaareeyaasha Spain ay waxbadan iga filaayaan”
Costa ayaa dhanka u mahad celiyay macalinkiisa Vicente Del Bosque wuxuuna yiri “Del Bosque la’aantiisa dhib badan ayaan la kulmi lahaa waayo maalin walbo xerada tababarka wuxuu iigu sheegi iray inuu kalsooni buuxdo igu qabo”
“Runtii waa macalin cajiib a sidoo kalena jecel inuu cayaartooydiisa garab istaago marka ay xaalad adag ku sugan yihiin”