Home » Maxaa Cusub » Diego Costa Oo Caradiisa Kala Dul Dhacay Mid Ka Mid Ah Taageerayaasha Kooxda Chelsea

Diego Costa Oo Caradiisa Kala Dul Dhacay Mid Ka Mid Ah Taageerayaasha Kooxda Chelsea


Costa

Weeraryahanka awooda badan Diego Costa todobaadkan asigoo careesan ayuu garoonka ka baxay sidoo kalena bandhig wanaagsan ma sameynin kulankii Chelsea 0-0 la dhaafi weesay naadiga Sunderland.

Costa ayaa kulankan ka bad baaday in kaarka cas la siiyo inkastoo uu qaatay jaalihii 5-aad taasi oo sababi doonto inuusan cayaarin kulanka Chelsea wajihi doonto naadiga Totteham.

Laacibkan asal ahaan kasoo jeedo dalka Brazil ayaa caradiisa kala dul dhacay mid ka mid ah taageerayaasha Chelsea oo ka codsaday inuu saxiixiisa siiyo.

Wargeska Mirror ayaa sheegay in Costa uu iska indha tiray mid ka mid ah taageerayaasha Chelsea oo ka codsaday inuu saxiix siiyo, mana ahan wax looga bartay 25-jirkan waayo Costa inta badan gaar ah ayuu taageerayaasha Chelsea u tixgaliyaa.

Inkastoo xidigan uu ku kacay fal ka careesiin karo taageerayaasha Blues hadana gudoonka taageerayaasha kooxdan iskuma waafaqsano in xidigan la mucaraado ama kalsoonida laga laabto maama uu Chelsea laf dhabar u yahay xili cayaareedkan ilaa haatana Blues u dhaliyay 11-gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>