Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa ka qeyb qaatay dhacdo muran dhalisay kulankii xalay ay kooxdiisa 1-0 ku dhaaftay West Ham kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska, isagoo u muuqday inuu gacantiisa ku dhuftay daafaca kooxda West Ham Aaron Cresswell.
Costa ayaan lagu ciqaabin dhacdadaan, inkastoo sida sawirka ka muuqata uu isku dayay inuu dhuunta wax ka gaarsiiyo Aaron Cresswell.
Costa oo 26-jir u dhashay Brazil ah isla markaana qaatay dhalashada Spain ayaa nasiib ku lahaa inaan la arkin madama garsoore Andre Marriner uusan si dhab ah u arkin dhacadadaan.
Ka hor kulanka macalin Sam Allardyce ayaa wiilashiisa kala dardaarmay ineysan Diego Costa kala qeyb qaadan dhibaatooyinka garoonka ka dhaca.
“Waxaan ogahay in Costa ay ka dhigto xidig fiican marka lala jaan qaado oo lala dagaalamo” ayuu yiri Allardyce oo aad u maleyso inuu fahmay qiyaanada Costa.
Ugu dambeyntii Jose Mourinho wiilashiisa ayaa wali hogaanka ku raaxeysanaya iyagoo shan dhibcood iyo kulan baaqi ah horyaalka ku horkacaya.