Kubad sameeyaha reer Turkey xaalkiisa ma fadhiyo wuxuuna haatan qaadan doonaa go’aan uu mustaqbalkiisa cayaareed ugu hibeen doono naadi aan ahayn Atletico Madrid.
Arda Turan iyo kooxdiisa Atletico Madrid mar hore ayay cilaaqaadka kala qaateen madaama uu u sheegay inuusan lasii joogi doonin waxaana saxiixa xidigan isku heestaan Barcelona iyo Chelsea.
Hadaba Diego Costa oo ay Arda ka wada tirsanaan jireen Atletico Madrid sidoo kalena ay yihiin saaxiibo aad isugu dhow ayaa xidigan ugu baaqay inuu dalabka Chelsea aqbalo.
Diego Costa oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxay ahaan doonaa arin cajiib badan hadii Arda uu Chelsea kusoo biiro”
“Arda waa xidig xariif ku ah kubada una sahlan tahay sidii uu doono inuu u cayaaro marka uu garoonka ku jiro”
“Aniga, Arda iyo Filipe Luis si wacan ayaan u wada shaqeyn jirnay sidoo kalena si shaqsi ahaaneed ayaan saaxiibo u nahay”
“Waxaan jeclaan lahaa inuu xagaagan Chelsea kusoo biiro waana laacib wax badan nagu soo kordhin karo”
Dhawaan saxaafada Spain ayaa sheegtay in Arda Turan uu heshiis la gaaray naadiga Barcelona balse Arda isaga ayaa beeniyay arinkaas waxaanba sugnaa waa tilaabada uu qaadi doono xidiga reer Turkey.