Xidiga kooxda Chelsea Diego Costa ayaa laga saaray xulka Spain ee bishaan Maarso kulamo la yeelan doona xulalka Ukraine iyo Holland.
Costa ayaa dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray kulankii ay kooxdiisa Blues sida dhibka badan 3-2 kaga badisay Hull City Axadii.
Da’yarka kooxda Malaga [Juanmi] ayaa nasiib u yeeshay in looga waco xulka qaranka Spain si uu badal ugu noqdo Diego Costa.
21-jirkaan ayey u noqoneysaa markii ugu horeysay ee lagu daro xulka Spain wuxuuna dhaliyay afar gool todobadii kulan ee ugu dambeysay La Liga.
Ugu dambeyntiina kulanka ugu soo horeeyay Spain waxey la yeelan doonaan Ukraine 27-ka Maarso kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.