Weeraryahanka xulka Spian ka tirsan Diego Costa sidoo kalena xili cayaareedkan kooxda Chelsea kula guuleestay Premiership-ka England ayaan ku qanacsaneyn nolosha magaalada London.
Dadka aadka ugu dhow xidigan ayaa wargeska Marca u sheegeen in Costa uusan London la qabsanin sidoo kalena uu hilaw weyn u qaaday magaalada Madrid.
Weeraryahankan awooda badan ayaa rabo inuu kooxdiisii hore Atletico Madrid dib ugu soo laabto xagaagan madaama uu nolosha dalka Spain ka haan kari waayay.
Xidigan xagaagii hore Chelsea waxay dhigeeda Atletico Madrid kaga iibsatay €36 million sidoo kalena lacagtiisa laguma qasaarin madaama uu Chelsea u qaaday EPL asigoo dhaliyay 20-gool wuxuuna cayaaray 26-kulan.
Inkastoo xidigan uu waqti wanaagsan kooxdiisa Chelsea la qaadanaayo hadana ma qanacsano waxaana warbixin lagu sheegay inuu diyaar u yahay €7 million ee uu mushaar ahaan u qaato sanad walbo uu ka tanaasulo.
Wuxuuna doonayaa inuu Atletico ku laabto sidoo kalena uu dhimo 50% mushaarka uu haatan Chelsea ka qaato si uu mar un magaalada Madrid dib ugu laabto!
Inkastoo xidigan uu cadeestay rabitaankiisa hadana waxaa ku adkaan doonto inuu ka dhaadhacsiiyo Roman Abromavic iyo Jose Mourinho sidii xagaagan loo fasixi lahaa madaama uu yahay weeraryahanka kowaad ee kooxda Chelsea ku tiirsan tahay.