Weeraryahankii hore ee xulka Uruguay iyo kooxda Man United Diego Forlan ayaa kula taliyay naadiga garoonka Old Trafford ku cayaarto inay fursad dheeri ah siisao Angel Di Maria.
Di Maria ayaa ku guul dareestay inuu EPL la qabsado xili cayaareedkii dhawaa inkastoo ay Man United £59.7m kaga soo iibsatay naadiga Real Madrid.
Waxaana haatan la hadal hayaa in xagaagan ay Man United xidigan iska fasixi doonto balse Diego Forlan ayaa qabo aragti kale wuxuuna aaminsan yahay Di Maria inuu United wax badan u qaban karo.
Diego Forland oo United la talinaayo wuxuu yiri “Waxaan u maleyaa Di Maria inuu ahaa saxiix wanaagsan markii ay Man United lasoo wareegtay madaama uu koobkii aduunka wacdaro ka dhigay”
“Laakiin waan la yara yaabay bandhigii xumaa ee uu ka sameeyay Premiership-ka England madaama aan ku rajo weynaa inuu Man United hormuud ka noqon karay”
“Waa arin la iska wada ogyahay Luis Van Gaal inuusan jecleyn cayaartooyda Koonfur Ameerika kasoo jeedo”
“Waayo saaxiibkeygii Juan Roman Riquelme ayaa ii sheegay in Van Gaal aan la tusin xidiga Koonfur Ameerika kasoo jeedaan”
“Cayaartooyda ma ahan Robot waxay u baahan yihiin in culeeska laga qafiifiyo waxaan kula talin lahaa Man United inay fursad dheeri ah Di Maria siiso ka hor inta aan Old Trafford laga dirin”