Home » Maxaa Cusub » Diego Simeone Oo Iska Diiday Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo A. Madrid, Isagoo Isha Ku Haya Shaqada Man City

Diego Simeone Oo Iska Diiday Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo A. Madrid, Isagoo Isha Ku Haya Shaqada Man City


Simeone

Daily Express ayaa qortay in macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan magaalada Madrid isagoo isha ku haya inuu usoo dhaqaaqo kooxda Manchester City.

Atletico Madrid ayaa dooneysa in macalinkaan guulaha u keenay ay ka saxiixdo heshiis uu kooxda kusii joogi karo ilaa 2022-ka.

Simeone ayaa 18-sano kadib La Liga u qaaday Atletico Madrid xili ciyaareedkii lasoo dhaafay sidoo kalana wuxuu kooxda gaarsiiyay Finalka tartanka horyaalada yurub inkastoo ay ku baxeen gacmaha Real Madrid.

44-jirkaan ayaan heshiiska cusub diyaar u aheyn sida ay sheegtay Express madama uu rajo ka qabo booska uu baneyn doono Manuel Pellegrini oo shaqadiisa ay ku xiran tahay kulamada ka haray xili ciyaareedkaan.

Si kastaba Simeone ayaa ka mid ah sadex musharax oo la hadal hayo iney shaqada ka badali doonaan Pellegrini, waaana liiska kula jira Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti.

Ugu dambeyntiina Simeone ayaa ku jira liiskan meesha ugu sareysa, inkastoo ay jirto in qudhiisa uuba daneynayo inuu kasoo muuqdo EPl-ka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>