Weeraryahanka ay milkiyadiisa leedahay Liverpool, balse amaahda ugu maqan kooxdii laga soo iibsaday ee Lille xidiga lagu magacaabo Divock Origi oo ka tirsan xulka Belgiumka ayaa doonaya inuu bisha January usoo dhaqaaqo kooxdiisa.
Weeraryahankaan reer Belgium wuxuu haatan amaah hal sano ah ku joogaa Lille wuxuuna qeyb ka ahaa heshiiskii ay ku iibsatay Liverpool sidoo kalana waxey Lille faraqa ugu shubtay 11 Malyan Oo Pound.
Origi oo 19-jir ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigaya xili ciyaareedkaan walow kooxdiisa ay baahi weyn u qabto weeraryahan muhiim ah oo guulo gaarsiiya.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku biiro Liverpool January” Ayuu Divock ku waramay.
“Branden Rodgers wuxuu iila soo xiriiraa si joogto ah taas ayaana ii wanaajisay rabitaankeyga, waxaan saxiixay inaan hal sano joogayo Lille, balse hadii ay jirto fursad aan ugu biiro karo Liverpool waan jeclaan lahaa”
“Waan jeclahay inaan u dhaqaaqo Liverpool sida ugu dhaqsiyaha badan, halkaan aan joogo waa Lille waa koox fiican, aad ayeyna ii caawiyeen, balse kubada faransiiska waa niyad jab” ayuu yiri Origi.
Ugu dambeyntii Liverpool ayaa bilowgii bishaan ku dhawaaqday iney dooneyso iney Divock Origi bisha January soo celiso, inkastoo aysan xaq u lahaan doonin hadii ay kooxda Lille ku adkeysato iney sii heysato.