Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dowlada Gabon OO Beenisay Inay Lionel Messi Lacag Siisay Si Uu Dalkeeda Usoo Booqdo

Dowlada Gabon OO Beenisay Inay Lionel Messi Lacag Siisay Si Uu Dalkeeda Usoo Booqdo


gabon

Dawlada Gabon ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegayo inay lacago dhiiri galin ah siisay Lionel Messi si uu dalkeeda usoo booqdo.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dawlada Gabon ay qorsheeneesay todobaadkii hore Messi inuu dalkeeda imaado sidoo kalena arinkan kabtanka xulka Argentina lacago lagu siiyay.

Messi ayaa ku sugnaa Port-Gentil ee dalka Gabon intii u dhaxeesay 17 ilaa 18-kii bishan July xili uu halkaas fasax gaaban ku aaday waxaana safarkan ku wehliyay Deco oo horey ugu cayaari jiray naadiga Barcelona.

Waxaa lasoo bandhigay sawiro muujinaayo Messi oo dalxiis ku qaadanayo dalka Gabon balse majalada France ayaa dabaacday in xidigan dowlada Gabon ay siisay asiga iyo saaxiibkiis Deco €3.5m si ay dalxiis dalkan ku imaadaan.

Hadaba qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Gabon ayaa arinkan lagu beeniyay wuxuuna u qornaa sidaan “Dawlada Federalka Gabon waxay si adag u beenineysaa inay lacag u wareejisay ama ka balan qaaday Lionel Messi, kaasi oo Gabon ku sugnaa July 17 ilaa July 18 asigoo martiqaad ka helay Ali Bongo”

Sidoo kale madaxweynaha Gabon Ali Bongo ayaa wargeska The Guardian la hadlay wuxuuna yiri “Markii aan sanado ka hor Barcelona ku sugnaa, waxaan la kulmay Messi wuxuuna ii sheegay inuu Gabon imaan doono si uu usoo booqdo”

“Waa balan uu iga qaaday isaga, waa nin sharafeed kaasi oo hadalkii uu yiri ka dhabeeyay”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>