Halyee Dwight Yorke ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka dhaliilalsan go’aankii ay kooxda Man United xagaagii aan kasoo gudubnay ay kooxda Arsenal kaga iibisay Danny Welbeck.
Sidoo ale Dwight Yorke oo Man United guulo taariikhi ah la qeebsaday wuxuu ka dhawaajiyay hadii SirAlex Ferguson uu xiligan garoonka Old Trafford ku sugnaan lahaa inuusan marnaba Welbeck ka iibin laheyn kooxda Arsenal.
“Man United waxay Danny Welbeck dhaafsatay qiimo uusan u qalmin mana ahan wax la aqbali karo in xidigan mustaqbal dheer ka horeeyo aad ku iibsatid £16 million”
“Aniga waxaan dhihi karaa qiimaha looska lagu iibsado ayuu dhigmaa lacagaha Danny la dhaafsaday waao xidigan Old Trafford kusoo bar baaray sidoo kalena Ingiriis ah”
“Inta badana xidigaha reer England qiimo aad u sareeyo ayaa lagu iibsadaa waana nasiib daro siyaasadii Danny lagu fasaxay”
“Hadii Sir Alex Uu xiligan United hogaamin lahaa marnaba Arsenal kama uusan iibiyeen Welbeck”
“Waxaa ii muuqato dhaqanki iyo dhaxalkii aaan Man United kaga tagnay inuu meesha kasii baxaayo mana ahaan jirin United kooxd ku badalato lacag dhalinta ay soo bar baariso”