Home » Maxaa Cusub » Eden Hazard “EPL Haatan Gacanta Ayuu Chelsea Ugu Jiraa Mana Jirto Cid Naga Xoogi Karto!”

Eden Hazard “EPL Haatan Gacanta Ayuu Chelsea Ugu Jiraa Mana Jirto Cid Naga Xoogi Karto!”


Hazard

Kubad sameeyaha kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa sameeyay bandhig aan caadi ahayn kulankii ugu dambeeyay ee Chelsea 2-1 guusha kaga qaadatay naadiga Stoke City.

Wuxuuna xidigan tayada wanaagsan aaminsan yahay in haatan loolanka horyaalka Ingiriiska xakameyntiisa ay Chelsea gacanta ku heyso.

Chelsea haatan 7-dhibcood ayay hogaanka Premiership-ka England kaga heysaa naadiga Arsenal sidoo kalena Blues 8-kulan ayaa u harsan halka Arsenal ay u dhiman tahay 7-kulan.

Hazard oo ka hadlaayo rajada kooxdiisa wuxuu yiri “Waan isku kalsoonahaya sidoo kalena hogaamiyaasha horyaalka ayaan nahay sidoo kalena kulan walbo si gaar ah ayaan uga fikiri doonaa”

“Horyaalka gacanteena ayuu ku jiraa mana jirto cid naga xoogi karto waxaana rabna inaan dib ugu soo celino EPL garoonka Stamford Bridge”

Hazard oo la hadlaayay Chelsea TV ayaa qirtay in horyaalka uu haatan maraayo marxalad aad u adag wuxuuna yiri “Kulakii Stoke si dhib badan inkastoo qaybtii hore aan fursado badan abuurnay waxaana ugu wacan in kooxo walbo ay xiligan oo kale hadafkeeda ay dooneyso inay xaqiijiso”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>