Kubad sameeyaha xulka Belgium iyo kooxda Chelsea Eden Hazard wuxuu haatan ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan caalamka sidoo kalena waxaa lagu tilmaamaa xidiga ugu wanaagsan Premiership-ka England.
23-jirkan ayaa ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa wuxuuna sanad walbo sameenayaa hormar aad u sareeyo, Hazard ayaa lagu tilmaamaa inuu mustaqbalka dhow noqon doono laacibka ugu wanaagsan caalamka ama uu ku heer noqon doono Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Balse maanta waxaan si gaar ah idin kula wadaagi nooloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga aqoonin.
Eden Hazard waxaa dhaleen hooyo iyo aabo kubada cagta ehel u ah waayo xidigan aabihiis Thierry Hazard wuxuu ka cayaari jiray dhanka Khadka dhexe balse marnaba heerka kowaad ee horyaalka Belgium kama cayaarin wuxuu waqtigiisa ku qaatay heerka labaad asigoo u cayaari jiray naadiga La Louvière.
Sidoo kale hooyadiisa Carine iyada kubada cagta heer sare ayay ka gaartay waxayna ka cayaari jirtay dhanka weerarka, Carine ayaa joojisay cayaarista kubada cagta markii ay 3-bilood uurka Eden Hazard ay laheed.
Haka reebin Eden Hazard waxaa la dhasheen sadex wiil oo iyagana xirafooda tahay cayaarista kubada cagta waxaana xusid mudan wiilka da’ahaan kusoo xigo Thorgan Hazard uu haatan Chelsea kala tirsan yahay balse xidigan naadiga Monchengladbach ayuu amaah kula joogaa.
Sidoo kale labada wiil ee kala ah Kylian iyo Ethan iyaga weli wey dhalin yar yihiin waxayna ku sugan yihiin dalka Belgium.
Eden Hazard waxaa u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Natasha Hazard waxayna u heysaa labo caruur ah Yannis oo dhashay 19 December 2010 iyo Leo oo isagana dhashay February 2013.
Natasha iyada xitaa kubada cagta ayay cayaari jirtay markii ay dhigan jirtay Dugsiga dhexe iyo Sare balse haatan ma cayaarto waxayna waqtigeeda oo dhan u hibeesay sidii ay ku daryeeli laheyd qoyskeeda.
Hazard Iyo Natasha aqoon qoto dheer ayay isku leeyihiin waxayna dhawaan Natasha sheegtay inay Hazard la kulntay markii ugu horeesay asigoo 14-sano jiro!
Sidaa darteed aqoonta dheer oo ay isku leeyihiin ayaa labadan lamaane u sahashay inay xaalad dagan ku noolaadaan marka loo bar bar dhigo xidigaha kale ee kubada cagta cayaaro oo inta badan ku fashilmaan inay xiriirkooda qoyskooda daryeelaan.