Home » Maxaa Cusub » Eden Hazard Oo Badbaadiyay Rikoorkii Mourinho Xili Blues Ay Barbardhac Ka Tuugtay West Brom

Eden Hazard Oo Badbaadiyay Rikoorkii Mourinho Xili Blues Ay Barbardhac Ka Tuugtay West Brom

1384014695082_lc_galleryImage_Football_Chelsea_v_West_B

Goal Ka Yimid daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta Eden Hazard kaas oo rigoore ahaa lagun galay Ramires ayaa guuldaro labaad oo xiriir ah ka badbaadiyay kooxda Blues xili sidoo kale uu badbaaday rikoorkii Jose Mourinho ee Stamford Bridge.

Stephane Sessegnon & Shay Long ayaa laba ugu badalay goal uu dhaliyay qeybtii hore ciyaarta Eto’ balse ugama filnaan iney sadex dhibcood ka qaataan London.

Samuel Eto’ ayaa dhamaadkii qeybtii hore ciyaarta dhaliyay goalka hogaanka u dhiibay Blues markii uu shabaqa dhex dhigay kubad wanaagsan daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta.

Opener: Samuel Eto'o was on target for Chelsea again as he broke the deadlock in the second half

Isku soo noqoshadii qeybta hore ciyaarta ayaa isbadal ku yimid ciyaarta markii wiilasha West Brom ay lasoo baxeen kubad aan lagu arag qeybta hore ciyaarta waxaana ay sameeyeen isku dayo xoog leh markii uu daqiiadii 56-aad ee ciyaarta madaxa ku siga Shay Long oo ka tirsan xulka Ireland kubad dhinaca bidix ee garoona laga soo karoosay.

Daqiiqado kadib Shay Long ayaa kubad uu soo badbaadiyay Cech madaxa ku dhaliyay daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Jubilation: Shane Long celebrates West Brom's first goal with Claudio Yacob (right) and Gareth McAuley

Stephane Sessegnon ayaa dhaliyay goalka hogaanka u dhiibay West Brom daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta markii ugu horeysay iyadoo marti loo yahay wuxuuna caawinaad ka helay kubad aad loosoo qurxiyay Liam Ridgewell inkastoo darba qabow oo uu riday uu yasay goalhaye Cech isla markaana si wanaagsan u daba martay.

Cross words: Branislav Ivanovic and Petr Cech (right) argue after West Brom equalise

Chelsea aya u dhawaatay iney hesho goal barbardhac ah daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta markii xidigoda Cahil uu isku dayay inuu goolhaya daba mariyo xili la buuxay diilinta West Brom balse goalhayaha ayaa ka diiday.

Willian ayaa isku dayay daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta inuu helo goal barbardhac ah kadib markii karoos laga keenay dhanka midig uu madaxa la helay balse uma suuragalin inkastoo uu mariyay meel goalka u jirta waxyar.

Carry Cahill aya sameeyay caawinaad wanaagsan balse Demba Ba ayaa Chelsea uga faa’ideyn waayay daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta inkastoo uu waxyar u jirsaday.

Love is in the air: Jose Mourinho (left) was reunited with former No 2 Steve Clarke

Mourinho & Clarke: Jose Oo Ku faraxsan La Kulanka Cawiyihisii hore

Chelsea ayaa heshay fursad wanaagsan markii loo dhigay goal ku laad ama rigoore lagu galay Ramires waxaana goal u badalay Eden Hazard oo guuldaro ka badbaadiyay Chelsea.

Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in Chelsea ay ka badbaaday guuldaro labaad oo isku xigta Premier League inkastoo ay iska lumisay booskeedii labaad waxeyna haatan jiiftaa kaalinta 4-aad ee horyaalka iyadoo leh 21-dhibcood.

Sidoo kale natiijadaan ayaa badbaado u noqotay rikoorkii Jose Mourinho ee Stamford Bridge kaas oo aan looga adkaan gurigiisa 57-kulan oo xiriir ah mudadii uu maamulayay Chelsea.

Blues ayaa qarka u saaran iney lumiso booskeeda hadii kooxaha Tottenham iyo Man City ay kulamadooda guulo gaaraan kuwaas oo ka sara mari kara Blues iyagoo leh dhibco ku dhaw.


Waxaa Aqrisay: (198)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>