Home » Horyaalada » La Liga Spain » Eden Hazard Oo Markale Ku Celiyay Inuu Ku Faraxsan Yahay Stamford Bridge Iskana Diiday Dalabka Real Madrid

Eden Hazard Oo Markale Ku Celiyay Inuu Ku Faraxsan Yahay Stamford Bridge Iskana Diiday Dalabka Real Madrid


Eden

Kubad sameeyaha kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa markale sheegay inuu ku faraxsan nolosha Galbeedka London sidoo kalena uusan xagaagan iyo xagaa u dhawba uusan Blues isaga hayaami doonin.

The Mirror ayaa sheegtay hadalka kasoo yeeray Eden Hazard inuu jawaab u yahay warar ay qoreen saxaafada Spain kaasi oo ahaa in naadiga Real Madrid ay xidigan dalab shaqsi ahaaneed usoo dirtay.

Eden Hazard oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Ma jirto sabab aan xiligan isbadal u sameeyo waayo siweyn ayaan ugu faraxsanahay kooxdeyda Chelsea”

“Weliba waxaan doonayaa inaan sanado badan Chelsea kasoo mid ahaado sidoo kalena koobab badan kula guuleesto”

“Cayaaryahan walbo wuxuu ku riyoodaa inuu kooxdiisa guulo la gaaro sidoo kalena farxad ku heesto anigana labadaas ka badan ayaan Chelsea ka helaa”

24-jirkan tayada wanaagsan ayaa xili cayaareedkii dhaweyd dhigay wacdaro dheeri ah wuxuuna kooxdiisa Chelsea u dhaliyay 17-gool asigoo u saftay 45-kulan dhamaan tartamada kala duwan.

Sidoo kalena Hazard wuxuu Blues kula guuleestay horyaalka England sidoo kalena laacibka ugu wanaagsan EPL ayaa loo doortay wuxuuna cadeeyay inuusan Chelsea meelna uga soconin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>