Home » Maxaa Cusub » Eden Hazard Oo Qorshihiisa Yahay Inuu Kooxdiisa Chelsea Kama Dambeesta Koobka Yurub Keeno Sanadka Dambe

Eden Hazard Oo Qorshihiisa Yahay Inuu Kooxdiisa Chelsea Kama Dambeesta Koobka Yurub Keeno Sanadka Dambe


Hazard

Kubad sameeyaha reer Belgium haatana ah xidigaha ugu wanaagsan Premiership-ka England Eden Hazard ayaa ka hadlay waxa uu hiigsan doono xili cayaareedka dambe.

Eden Hazard ayaa kooxdiisa Chelsea xili cayaareedkan u qaaday Premiership-ka England sidaa darteed sanadka wuxuu doonayaa inuu tartanka Yurub ugu qiimaha badan wacdaro ka dhigo.

Asigoo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Hadafkeyga wuxuu yahay xili cayaareedka dambe inaan kooxdeyda Chelsea u cayaaro Finalaha Champion-ka”

“Marwalbo waa arin wanaagsan inaad kasoo muuqatid kama dambeesta koobka Yurub ugu qiimaha badan”

“Balse xili cayaareedkan awood ahaan koobka Yurub waan liidanay waxaana dooneynaa inaan sanadka dmabe hadaf ka dhigano sidii aan masraxa ugu dambeeyo u imaan laheyn”

Eden Hazard iyo kooxdiisa Chelsea waxay xili cayaareedkan ku hartay wareega 16-aad ee Champion-ka weliba naadiga PSG ayaa reebtay.

Sidaa darteed xidigan ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa uu cashir badan uga baxay qaladkii ay sanadkan galeen sidoo kalena ay dib isku sixi doonaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>