Home » Horyaalada » italian Serie A » Ederson: “Waan Ka Yaabin Karnaa Juventus”

Ederson: “Waan Ka Yaabin Karnaa Juventus”


Ederson

SS Lazio ayaa soo dhaweyn doonta Juventus isbuuca soo aadan kulanka 12-aad ee horyaalka Serie A-da dalka talyaaniga xili kooxda uu hogaamiyo Massimiliano Allegri ay hogaanka horyaalka ku hayaan 28 dhibcood.

Juventus ayaa kaliya la kulantay hal guuldaro 11-kulan oo ay ciyaartay horyaalka talyaaniga waxeyna guuldaraas ka heshay Genoa oo 1-0 ku quusisay kulan Juve ay marti aheyd.

Sidoo kale Juventus waxey barbaro kala kulantay kooxda Sassoulo oo iyana marti loo ahaa waxeyna ciyaartaas kusoo dhamaatay 1-1, gool uu dhaliyay Zaza ayeyna Juve iska soo guday waxaana u barbareeyay Paul Pogba.

Si Kastaba xidiga reer Brazil Ederson oo ka tirsan kooxda Lazio ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ka yaabsan karto Juventus isla markaana ay natiijo fiican ka keeni karaan xili uu u waramayay Lazio Style Radio Today.

Xidigaan Khadka Dhexe ee reer Brazil ayaa 10-bilood ka maqnaa kooxdiisa balse isbuucii 10-aad ee horyaalka ayuu dib ugu soo laabtay shabaqa ayuuna soo taabtay kaliya isagoo garoonka ku jira 4-daqiiqo, walow kooxdiisa ay isbuucii 11-aad guuldaro 2-1 ah kala kulmeen kooxda Empoli.

“Waxaan u maleynayaa inaan ka yaabin Karno Juventus, isla markaan aan heli karno natiijo aan u wanaagsaneen” Ayuu yiri Ederson.

“Waxaan sameyn doonaa qaabka noogu fiican, inkastoo kulanka uu yahay mid adag, waa inaan sare u qaadnaa hamigeena hadii aan dooneyno inaan guuleysano, waana inaan is aaminaa ilaa dhamaadka ciyaarta” Ayuu mar kale yiri Ederson.

“Waxaan isku dayeynaa inaan si fiican ugu ciyaarno taageerayasheena hortooda, muhiim ayey  noo yahiin”

Si Kastaba 28-jirkaan heerka caalami wuxuu doonayaa inuu soo yareeyo xawaaraha Juventus xili kooxda ka dhisan magaalada Torino ay isbuucii ugu dambeeyay ay 7-0 ku garaacday Parma kulan ka dhacay gurigeeda [Juvnetus Arena].

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>