Home » Horyaalada » italian Serie A » Edin Dzeko Oo Aqbalay Inuu Kooxda AS Roma Ku Biiro Maal Maha Nagu Soo Fool Leh

Edin Dzeko Oo Aqbalay Inuu Kooxda AS Roma Ku Biiro Maal Maha Nagu Soo Fool Leh


Dzeko

Weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko ayaa aqbalay inuu kooxda AS Roma ku biiro xili kooxdiisa Man City sheegtay in xidigan aysan qiimo jaban kaga samri doonin.

Edin Dzeko ayaa ka gadoodsan inuu garoonka Etihad kusii sugnaado madaama labadii sano ee ugu dambeesay doorkiisa uu yaraa sidoo kalena macalin Manuel Pelligrini iyo xidigan xiriir wanaagsan kama dhaxeeyo.

Kooxda Man City ayaa Dzeko madaxiisa dul dhigtay €30m sidoo kalena waxay haatan wada hadalo la wadaa kooxda reer Talyaani Roma.

Balse Tuttosport ayaa sheegay in Roma ay kalsooni ka muujisay inay saxiixa Dzeko ku heli karto €20m madaama ay xidigan kalsooni dheeraad ah ka heesato.

Dhinaca kale Miralem Pjanic oo khadka dhexe kaga cayaaro Roma ayaa sheegay inuu la hadlay saaxiibkiis Dzeko madaama ay ay isku dal yihiin.

Wuxuuna Miralem Pjanic ka dhawaajiyay in Dzeko uu kor hoos xagaagan caasimada dalka Talyaaniga imaan doono sida ay ku wada sheekeesteen labadan xidig.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>