Maareeyihii hore kooxda Juventus Luciano Moggi ayaa ka farxiyay Jamaahiirta Juventus ee la murugsan bixitaanka la hadal hayo ee Carlos Tevez, wuxuuna u sheegay in Edinson Cavani uu imaan doono hadii weeraryahanka reer Argentina uu ka dhaqaaqo Turin.
Tevez ayaa la hadal haya inuu ka tagi doono Juventus, waxaana si aad ah loola xiriirinayaa kooxdiisii hore Boca Junior ee dalka Argentina iyo Atletico Madrid oo raadineysa badalka Mario Mandzukic oo ka tagaya Vincent Calderon.
Moggi ayaa aaminsan in Edinson Cavani uu imaan doono magaalada Turin isla markaana uu kusoo biiri doono kooxdisii hore hadii Tevez uu dhaqaaqo waana badalka ugu fiican ee Tevez sida uu isaga qabo.
Moggi oo la hadlayay Sportitalia ayaa yiri: “Hadii Tevez uu baxo, Cavani ayaa imaan doona, hadii ay dhici weyso, weerarka Juve isma badalin, balse (Cavani) waa badalka ugu fiican ee Tevez”
Si kastaba lama oga hadii Juventus ay u dhaqaaqi doonto saxixa Edinson Cavani inkastoo 80% hadal heynta ugu badan ay tahay in Tevez uu ka dhaqaaqayo Juve.
Ugu dambeyntii Cavani dhowr jeer oo hore ayaa lala xiriiriyay Juve, waxaana jirtay in aabahiis uuba qiray goor hore inuu wadahadalo la galayo Juventus.