Home » Horyaalada » France League I » Edinson Cavani Oo Dalabka Man United Iska Indha Tiraayo Xili Uu Kalsooni Ka Helay Macalin Blanc

Edinson Cavani Oo Dalabka Man United Iska Indha Tiraayo Xili Uu Kalsooni Ka Helay Macalin Blanc


Edinson Cavani

Weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani ayaan rabin inuu aqbalo dalab dhawaan kasoo gaaray dhanka kooxda Man United.

Madaama xidigan uu kalsooni dheeraad ah ka helay macalinkiisa Laurent Blanc madaama Cavani loo balan qaaday in xili cayaareedka cusub weeraryahanka kowaad ee PSG isaga laga dhigi doono.

Inta badan xidigan awooda badan Paris dhanka weerarka labaad ama garbaha ayuu kaga cayaaraan balse xili cayaareedka cusub lambarka 9-aad kowaad ee kooxda isaga ayaa laga dhigi doonaa.

28-jirkan xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa PSG wuxuu u dhaliyay 31-gool dhamaan tartamada kala duwan xili ay kooxdan ku guuleesatay 4-koob.

Balse saxaafada France ayaa siweyn u hadal heesay inuu xagaagan kooxda Man United ku biiri doono ayadoo ku dooneyso 50-milyan oo pound.

Balse haatan Cavani ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna diyaar u yahay inuu Ligue 1 France kusii sugnaado.

Waayo kooxda Paris waxay iska fasixi doontaaa Zlatan Ibrahimovic oo kusii dhawaanayo inuu ku laabto Serie A-da Talyaaniga madaama uu dalabyo kala duwan ka heesto kooxaha AC Milan iyo Inter Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>