Daafacii hore ee xulka Brazil iyo naadiga Barcelona Edmilson ayaa ka hadlay Barca xili cayaareedkan guulaha taariikhiga ah oo ay gaartay.
Edmilson oo waqti wacan garoonka Camp Nou kusoo qaatay ayaa u mahad celiyay halyee Ronaldinho kuna tilmaamay inuu sabab u yahay Barcelona maanta meesha ay taagan tahay.
Edmilson oo la hadlaayay wargeska Marca wuxuu yiri “Guulaha Barcelona waxay kasoo bilaabatay xiligii Ronaldinho”
“Waayo markii uu Ronaldinho imaaday Camp Nou Barcelona waxay dhisneed 100-sano sidoo kalena 1-jeer ayay ku guuleesatay koobka Yurub”
“Balse Ronaldinho ayaa kooxda wax ka badalay una qaaday koobkeedii labaad ee Yurub sidoo kalena isaga ayaa soo bar baariyay Lionel Messi”
“Sidaa darteed Barceloa guulaha xiligan casriga ah ay gaartay Ronaldinho ayaa u sabab ah madaama uu dhulka kasoo qaaday kooxdan faca weyn”
“Kadib Pep Guardiola ayaa sii amba qaaday guushii uu Ronaldo bilaabay haatana waxaa heer sare sii gaarsiiyay Luis Enrique”
“Sidaa darteed guulaha Barcelona waa silsilad isku xiran ee uu bilawgeedii leeyahay Ronaldinho”