Barcelona ayaa difaacashada horyaalka La Liga ku bilaabi doonta kulan ay wajahdo Atletic Bilbao iyadoo u safri doonta garoona San Mames sida goor dhaw la shaaciyay.
Isku aadka horyaalka La Liga xili ciyaareedka soo aadan ayaa lagu dhawaaqay, sidoo kalana Real Madrid ayaa kulankeeda furitaanka horyaalka la ciyaari doonta kooxda dhawaan soo dalacday ee la yiraahdo Sporting Gijon.
Kooxda kaalinta sadexaad ee Atletico Madrid ayaa la ciyaari doonta Las Palmas, Valencia ayaa u safri doonta Rayo Vallecano, halka kooxda ku guuleysatay Europa League-ga ay iyana wajahi doonto Malaga.
Kulamada ugu horeeya horyaalka waxaa la ciyaari doonaa 22-ka iyo 23-ka August.
Kulanka ugu horeeya El-Clasico ayaa ka dhici doona 8-da November garoonka Santiego Bernabeu, halka lugta labaad uu ka dhici doono Camp Nou 3-da April.
Sidoo kalana kulamada Madrid Derby ayaa iyana la ciyaarayaa lugta hore 4-ta October halka lugta labaad la ciyaari doono 28-ka February.
KULAMADA ISBUUCA UGU HOREEYA:
Athletic Bilbao – Barcelona
Malaga – Sevilla
Rayo Vallecano – Valencia
Levante – Celta Vigo
Espanyol – Getafe
Deportivo La Coruna – Real Sociedad
Granada – Eibar
Real Betis – Villarreal
Sporting Gijon – Real Madrid
Atletico Madrid – Las Palmas