Kadib laba isbuuc oo nasasho ah dib ayaa loo ciyaari doonaa horyaalada qaarada yurub, horyaalka England oo ka mid ah horyaalada ugu qiimaha badan yurub iyo Dunida waxaana lasii shaaciyay garsoorayaasha qaban doona dhamaan 10-ka kulan ee la ciyaari doona Isbuuca 8-aad ee horyaaalka.
Kulanka ugu soo horeeya isbuucaan waa midka dhexmari doona kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur ee ka dhici doona garoonka Etihad stadium waxaana dhexdhexaadin doona garsooraha Jonathan Moss.
Sidoo kale Rodger East ayaa dhex-dhexaadin doona kulanka Arsenal vs Hull City, halka kulanka Chelsea vs Crystal Palace uu isna dhex-dhexaadin doono Graig Pawson.
Ugu dambeyntiina Garsooraha ugu badan ee dhex-dhexaadiyay kulamada horyaalka Mike Dean ayaa dhex-dhexaadin doona kulanka isniinta dhici doona ee dhexmari doona West Brom vs Man United. Ogowna in Mike Dean uu bixiyay laba casaan ah iyo 30-jaale (Kaliya lix kulan oo uu dhex-dhexaadiyay).
Man City v Spurs | Etihad Stadium | Jonathan Moss |
Arsenal v Hull | Emirates Stadium | Roger East |
Burnley v West Ham | Turf Moor | Kevin Friend |
Crystal Palace v Chelsea | Selhurst Park | Craig Pawson |
Everton v Aston Villa | Goodison Park | Anthony Taylor |
Newcastle v Leicester | St James’ Park | Martin Atkinson |
Southampton v Sunderland | St. Mary’s Stadium | Andre Marriner |
QPR v Liverpool | Loftus Road Stadium | Phil Dowd |
Stoke v Swansea | Britannia Stadium | Michael Oliver |
West Brom v Man Utd | The Hawthorns | Mike Dean |