Home » Maxaa Cusub » ESPN: Manchester United Oo Warfarxad Leh Ka Heshay Daafac Ay Si Ba’an Ugu Raad Joogtay

ESPN: Manchester United Oo Warfarxad Leh Ka Heshay Daafac Ay Si Ba’an Ugu Raad Joogtay


Hummels (2)

Manchester United ayaa dhagaheeda ay kusoo dhaceen maanta war farxad u ah kadib markii lagu wargaliyay in kooxda Borrusia Dortmund ay diyaar u tahay dhageysiga dalabyada laga soo gudbinayo daafacooda Mats Hummels.

Ilo ku dhaw kooxda Signal Iduna Park ku ciyaarta ayaa u sheegay ESPN in kooxdaan ay diyaar u tahay iney iska iibiso kabtankooda.

Dortmund ayaa iska diiday dhageysiga dalabyada kaga imaanaya xidigaan bishii July ee kal hore iyo bishii January ee dhawaan nasoo gudubtay, balse go’aankaan cusub ayaa ka dambeeyay hoso u dhaca kooxda ku yimid.

Hadii Borrusia Dortmund ay weyso kasoo qeyb galka koobka horyaalada yurub xili ciyaareedka soo aadan waxaa hubaal ah iney iibineyso qaar ka mid ah xidigaheeda ugu waaweyn si ay lacago badan ugu hesho Hummels ayaana ka mid ah.

Ugu dambeyntii heshiiska uu kabtan Mats Hummels kula jiro Dortmund waxaa kaga haray laba sanadood.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>