Home » Maxaa Cusub » Evans & Cisse Oo Wajahi Doona Ganaax Min Lix Kulan Ah Hadii Ay Cadaato Iney is Candhuufeen

Evans & Cisse Oo Wajahi Doona Ganaax Min Lix Kulan Ah Hadii Ay Cadaato Iney is Candhuufeen


Evans

Xiriirka FA-ga ayaa bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan fal is candhuufeyn ah oo ay isku adeegsadeen xidigaha Johhny Evans iyo Pappis Cisse.

Evans iyo Cisse ayaa u muuqday kuwo is candhuufay intii ay socotay ciyaartii ay Manchester United 1-0 guul ah ka heshay Newcastle oo marti loogu ahaa St James Park.

Labada xidig ayaa isku dhacay markii Evans uu qalad ku galay Cisse, iyadoo muuqaaladii kusoo celiska televesion-ka uu muujiyay iney is candhuufeen.

Gudiga Anshaxa Xiriirka FA-ga ayaa sugi doona warbixinta garsoore Anthony Taylor, inkastoo ayba horay usii daawadeen muuqaladii yar-yaraa ee dhacdada.

Sida ku cad xeerka hay’adda ugu sareysa kubada cagta FIFA, labadaan xidig ayaa mari doona ganaax min lix kulan ah hadii sida loo maleynaayo ay noqoto.

Labada xidig si wadajir ah ayey ganaax u mari doonaan inkastoo Louis Van Gaal uu difaacay wiilkiisa.

“Kama arkin kursiga keydka, inuu wax candhuufay, waana iga fogtahay, mana ku xukumi karo” ayuu yiri Louis Van Gaal.

Sidoo kale Van Gaal ayaa aaminsan in xidigaan uu yahay shaqsi dagan isla markaana aysan ka suurtoobin inuu wax candhuufo.

Dhanka kale macalinka Newcastle John Carver ayaa qiray inuusan arkin falkaan, balse ay tahay in la ganaaxo hadiiba ay ku cadaato.

Evans

Evans

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>