Sida lagu daabacay Express kooxda Liverpool ayaa diidmo qayaxan kala kulantay dhigeeda Roma taasoo ku aadan dalabka ay u dirtay xidiga khadka dhexe kooxdaas Miralem Pjanic.
Mid ka mid ah milkiilayaasha kooxda As Roma ayaa si cad ugu sheegay kooxda uu hogaamiyo Branden Rodtgers in Mirelam Pjanic uusan iib aheyn.
Arinta kasoo yeertay Roma ayaa dhabar jab ku noqotay Liverpool oo dooneysay in xidigaas uu badal ugu noqdo kabtan Steven Gerrard oo dhamaadka xagaagan ka dhaqaaqaya Anfield Road.
Liverpool ayaa markaan indhaheeda u weecisay dalka Portugal iyadoo isha la raaceysa xidiga Sporting Lisbon William Carvalho.
Carvalho ayaa bartilmaameed xoogan u ahaa xagaagii lasoo dhaafay kooxaha Arsenal, Man United iyo Manchester balse xidigaan ayaa ku adkeystay inuu kusii nagaado dalkiisa hooyo.