Manchester United ayaa u muuqata mid sii dhumineysa tartanka ay ugu jirtay saxiixa daafaca reer talyaani iyo kooxda Torino Matteo Darmian sida ay sheegayaan warbixino laga helayo Ingiriiska.
Daafacaan Torino ka tirsan ayaa 12-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ku raad joogay kooxo ka dhisan qaarada yurub, kadib markii uu qaab ciyaareed qurux badan kasoo bandhigay koobkii Aduunka ee sanadkii hore ku dhamaaday Brazil.
Si kastaba Express ayaa qirtay in 25-jirkaan dhowr boos oo daafaca ka ciyaari kara ay haatan u muuqato inuu heshiis la gaaray kooxda Bayern Munich taasoo saxnimada sheekadaan daaqada ka tuureysa hamiga Man United ee ku aadan xidigaan.
Matteo Darmian ayaa ka mid ahaa liiska tiro ciyaartoy ah oo ka ciyaarta daafaca midig kuwaas oo United ay dooneysay waxaana ka mid ah: Coleman, Clyne iyo Alves.
Sida ay sheegayaan ilo madax banaan oo ku dhaw Bayern Munich ayaa sheegaya in kooxdan Allianz Arena ku ciyaarta ay xidigaan kula wareegi rabto 15 Malyan Oo Pound.
Ugu dambeyntii Matteo Darmian ayaa tijaabin doona nasiibkiisa kooxda difaacaneysa horyaalka Jarmalka marka uu dhamaado xagaagan.