Home » Maxaa Cusub » FA-ga Oo Ganaax Lacageed Kusoo Rogay Kooxaha Aston Villa Iyo Tottenham Hotspur

FA-ga Oo Ganaax Lacageed Kusoo Rogay Kooxaha Aston Villa Iyo Tottenham Hotspur


Villa and Spurs

Xiriirka Kubada Cagta Dalka Ingiriiska ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano FA, ayaa ganaax lacageed kusoo rogay kooxaha Aston Villa & Tottenham Hotspur kadib markii ay ciyaartoyda labada koox isku dhaceen kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska waxaana lagu ganaaxay iney bixiyaan qdar dhan 250,000 Kun Oo Pound.

Kooxda martida loo ahaa [Aston Villa] ayaa ku hogaamineysay 1-0, kulan dhacay bilowgii bishaan, inkastoo dhamaadkii ciyaarta laga daba keenay isla markaana looga badiyay 2-1.

Weeraryahanka reer Belgium Christian Benteke ayey isku dhaceen xidiga Spurs Ryan Mason iyo Erik Lamela, inkastoo xidiga Villa ciyaarta laga saaray markii uu gacanta wajiga ka saaray Mason.

FA-ga ayaa xaqiijiyay in labada kooxood ay ku fashilmeen iney ciyaartoydooda aqlaaq u yeelaan isla markaana ay ganaaxaas maaliyadeed muteen.

“Ganaaxa wuxuu ku saabsanaa madama kooxaha ay ku fashilmeen iney hagaajiyaan aqlaaqday ciyaartoydooda, marka la eego wixii dhacay daqiiqadii 66-aad”

“Labada kooxood wey aqbalaeen qiimaha lacageed 250,000″ ayey u qorneed warbixin ka timid FA-ga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>