Home » Maxaa Cusub » MAQAAL: Francis Coquelin Xaliyaha Dhibaatada Dhexe & Xasuusta Patrice Vieira Ee Arsenal

MAQAAL: Francis Coquelin Xaliyaha Dhibaatada Dhexe & Xasuusta Patrice Vieira Ee Arsenal


cOQUELIN

Arsenal waxey gashay marxalad culus tan iyo markii uu garoonka Highbury ka hayaamay burburiyihii reer France Patrick Vieira kaas oo July 2005 ku biiray kooxda Juventus, inkastoo mustaqbalkiisa mugdigii ku bilowday waqtigaas uu kaga fariistay ciyaaraha.

Gilberto Silva ayaa ku haray Arsenal kaas oo dhameystiray howshii uu qabyada kaga tagay Patrick Vieira wuxuuna Gunners ka saaciday iney gaarto Finalkii Champions League 2006, balse sanadii 2008 ayuu isaga hayaamay kooxda waana xiligii ay kooxda dib u gurasho bilowday isla markaana ay u dhimatay la’aanta booska dhexe ee burburiyaha.

Tan iyo xiligaas Arsenal waxaa soo maray xidigo khadka dhexe ah oo ka ciyaara booskaas waxaana ugu muhiimsan oo laga xusi karaa Alex Song waase marka laga hadlo ciyaartoyda ay kooxda ku najaxday isla markaana aad loogu amaanay booskaas, walow Arteta uu yimid hadana looguma amaanin sida Song oo isna faarujiyay Emirates 2012.

Faarujinta xidigaan ee Emirates waxey sababtay daciifnimo saa’id ah iyo dhibaato hor leh, inkastoo sababta ugu weyn ee Wenger ku qasabtay inuu diro xidigaas ay aheyd dhaqan xumo qarsoon oo xidigaan ka timid.

Hadaba mudo kadib waxaa kalsoonida Arsene Wenger helay da’yarka 23-jirka ah ee Francis Coquelin, inkastoo magacaan uusan aheyn mid ku cusub horyaalka Ingiriiska iyo kooxda Arsenal madama uu kusoo biiray kooxdaan 2008 isagoo 16-jir ah.

Francis Coquelin: amaah ayaa lagu diray sanadihii 2010-2011 (Lorient) 2013-2014 (SC Freiburg) sidoo kalana isla 2014 qeybtiisa dambe wuxuu amaah ugu ciyaaray (Charlton Athletic).

Dhibaatadii dhaawac ee Arsenal ayaa sababtay inuu helo nasiib uu kusoo bandhigo awoodiisa waxaana kooxda si isku mid ah uga dhaawacmay Arteta, Flamini, Wilshere, Ramsey iyo Mesut Ozil taasoo qasab noqotay in Wenger uu dhexda ku aamini da’yarkaan reer France.

Nasiib wanaagse wuu ka faa’ideystay xidgiaan wuxuuna sameeyay muuqaalo qiiro galiyay jamaahiirta Gunners kuwaas oo xusuus hore u diray madama uu xaliyay dhibaatadii kooxda ka heysata booska burburinta.

Durba Francis Coquelin waxaa loogu magac daray (Vieira-ha) cusub ee kooxda Arsenal iyadoo la ogaa in Vieira uu taariikh mug leh ku leeyahay awooda kooxda Arsenal intii u dhaxeysay 1996 ilaa 2005.

Wenger Muxuu ka Yiri Bandhiga Coquelin?

“Waxaan ka helay France isagoo 16-jir ah, maantana waa 23-jir, wuxuu kasoo gudbay xili adag, balse wax badan oo qibrad ah ayuu soo bartay” Ayuu Wenger u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Mar walba waan aamini doonaa, sababtoo ah sadex bilood ka hor ayaan u sheegay halka aan u baahanahay inuu ka ciyaaro”

“Wuu iga aqbalay waana ku qancay bandhiga uu soo bandhigay, si wanaagsan ayuuna ula qabsaday kooxda”

Jamaahiirta Arsenal Maxey Ka Yiraahdeen Bandhiga Coquelin?

Kadib bandhigii xidigaan kulankii Manchester City ee ay guusha ku heshay Arsenal, jamaahiirta ayaa twitter-ka ku amaanay xidigaan:

farkhan- via twitter:

“Mahadsanid Coquelin bandhigaaga cajiib ah waxaan la’een waqti dheer burburiye adoo kale ah”

Wheeler – Via twitter:

“Francis Coquelin wuxuu sameeyay bandhigii aan u baahneen, qof walbana wuxuu u qabtay shaqada si wanaagsan”

Hadaba Francis Coquelin wuxuu markaan helay kalsoonida Wenger iyo Jamaahiirta, wuxuuna gali karaa booska Vieira hadii uusan la kulmin caqabado ka hor istaaga inuu kooxdiisa si joogto ah ugu ciyaaro.

Muxuu Ka Shabahaa Patrick Vieira?

Francis Coquelin: wuxuu ka shabahaa xidigii hore France meelo badan, waa burburiye si awood leh wax ku hela sida Vieira, sidoo kalana waa xidig leh ruuxiga ugu badan ee kooxda marka ay timaado in la is dhiirigaliyo sidii la arkay kulankii Manchester City, waana xidig sidoo kale abuuri kara kubadaha weerarka lagu galo.

Ma Yahay Xaliyaha Dhibaatada Khadka Dhexe ee Arsenal?

Sida la isku raacay “Haa” waase hadii uu si joogto ah ugu sii ciyaaro kooxda sidoo kalana uu halkiisa kasii wado bandhigiisa quruxda badan oo uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Arsene Wenger wuxuu markaan ka fakarayaa kaliya inuu xaliyo dhibaatada daafaca sida uu ku sheegay shirarkiisa jaraa’id ee todobaadkan taasoo ka dhigan inuu aaminay xidigaan da’da yar iskana hilmaamay saxiixyada Khedira, Bender & Carvalho.

Daawo Muuqaalka Francis Coquelin:

SAWIRO: BANDHIGIISII KULANKII MANCHESTER CITY


Ma Xalin Karaa Dhibaatada Arsenal Ee Khadka Dhexe?

Fikirkaaga Ku Cabir Halkaan hoose

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to MAQAAL: Francis Coquelin Xaliyaha Dhibaatada Dhexe & Xasuusta Patrice Vieira Ee Arsenal

  1. Yaalagulayaabin Reply

    20-January-2015 at 7:59 pm

    Waa haduu dadaalo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>