Fabian Delph ayaa nasiib xumo kula kowsaday kooxdiisa cusub ee Manchester City kadib markii uu kaliya nasiib u yeeshay inuu xirto maaliyada kooxdiisa cusub 18-daqiiqo oo qura.
Delph wuxuu kusoo bilowday kulanka ay kooxdiisa haatan la yealaneyso Real Madrid, balse isku dhac isaga iyo Modric ah ayaa sababay inuu dhaawac kasoo gaaro taasoo keentay in laga saaro ciyaarta.
Manchester City waxey xidigaan reer England kula soo saxiixaty 8 Malyan Oo Pound iyadoo dooneysa iney ku xoojiso khadka dhexe.
Waxaa la xasuustaa in Delph waayahiisii ugu horeeyay Villa isagoo dhaawac dhanka jilibka ah ku seegay xili ciyaareedkii 2010-2011.
Si fudud ayaa garoonka looga saaray waxaana lagu badalay Jesus Navas, kulan ka socda garoonka Melbourne Cricket Ground.
Benzema, Ronaldo iyo Pepe ayaana sadexda gool u dhaliyay Real Madrid, halka goolka City uu dhaliyay Yaya Toure waxaana dhamaatay qeybta hore.