Home » Maxaa Cusub » Fabian Delph Oo Qarka U Fuulay Inuu Ku Biiro Man City, Yaa Kula Taliyay Inuusan Ku Biirin Kooxda Etihad Ku Ciyaarta

Fabian Delph Oo Qarka U Fuulay Inuu Ku Biiro Man City, Yaa Kula Taliyay Inuusan Ku Biirin Kooxda Etihad Ku Ciyaarta


Delph

Xidiga Khadka Dhexe Aston Villa Fabian Delph ayaa qarka u fuulay ku biiritaanka kooxda Manchester City ee ku ciyaarta garoonak Etihad Stadium balse waqtiyadii ugu dambeeyay ayuu xidigaan maankiisa badalay isagoo iska diiday hehsiiskaas.

Scott Sinclair iyo Micah Richards oo ah laba wiil oo ku hungoobay garoonkaas ayaa talo fiican siiyay Fabian Delph kuwaas oo haatan ka tirsan kooxda Aston Villa.

Micah Richards oo xagaagan uun ku biiray Aston Villa ayaa kaliya laba kulan kusoo bilowday xili ciyaareedkii 2013-2014 oo ay City ku guuleysatay horyaalka.

Wuxuu amaah ugu biiray Fiorentina, balse haatan si xor ah ayuu ugu biiray Aston Villa wuuna ku faraxsan yahay.

Dhanka kale Scott Sinclair ayaa isna laba jeer kusoo bilowday laba sanadood oo ku sugnaa Etihad Stadium wuxuuna xagaagii dhamaaday si joogto ah ugu soo biiray Aston Villa.

Fabian Delph wuxuu doonayaa inuu si joogto ah u ciyaaro balse Rihcards iyo Sinclair ayaa u sheegay inuusan aadin Man City hadii uusan dooneyn in la waayo.

Sidoo kalana Fabian Delph wuxuu rajo ka qabaa inuu ka mid noqdo liiska xidigaha xulka Ingiriiska ee aadaya Euro 2016.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>