Kabtankii Xulka Italy Ee 2006 ku guuleystay koobka Aduunka Fabio Cannavaro ayaa lagu warmayaa inuu badali doono xilka tababaranimo ee macalin Marcello Lippi kaas oo todobaadkaan ku dhawaaqay inuu isaga fariistay shaqadii tababaranimo ee kooxda reer China Guangzhou Evergrande.
Lippi oo 66-jir ah, ayaa awoodi waayay inuu sii wado shaqada kooxda inkastoo uu kooxda u hogaamiyay iney afar jeer oo xiriir ah ku guuleystaan horyaalka Chinese Super League, wuxuuna maalintii ugu dambeysay ee shaqadiisa barbaro la galay Shandong Luneng kooxda la yiraahdo ciyaar kusoo dhamaatay 1-1.
“Waa kulankeygii ugu dambeeyay ee xilka tababaranimo” Ayuu yiri Lippi, kaas oo sidoo kale Guangzhou Evergrande u hogaamiyay iney ku guuleysato Asia Champions League 2013.
Lippi ayaa u muuqda inuu noqon doono madaxa farsamada kooxda, wuxuuna mudadii uu caaboonaa 5-horyaal u qaaday Juventus oo uu wehliyo koobka Champions League sanadii 1996, waxaana si wacan loogu xasuustaa in Xulka Azzurri uu farta ka saaray koobkii Afaraad ee Aduun sanadii 2006 markaas oo koobka lagu martigaliyay Germany.
Si Kastaba Cannavaro oo ahaa kabtankii Xulka Azzurri 2006, markaas oo Lippi uu macalin ahaa ayaa lagu dhawaaqi doonaa inuu buuxiyo booskaas isbuuca dambe, sida ay ku warameen warbixino ka imaaday dalka Shiinaha.
Ugu dambeyntii 41-jirka reer talyaani kaas oo horay usoo maray kooxaha Inter Milan, Juventus iyo Real Madrid ayaa haatan ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda Al-Ahli ee Imraadaadka Carabta.