Macalinka xulka Russia Fabio Capello ayaa amaan balaaran kala dul dhacay kooxda Real Madrid oo haatan laga yaaban yahay awooda ay ku maquunineyso kooxaha La Ligaha iyo koobka horyaalada Yurub.
“Waxaan oran karaa kooxaha kale haatan ku heer ma ahan Real Madrid awood ahaan, Madrid waa mashiin halka kooxaha kale ay yihiin naadiyo iska caadi ah!”
“Real waxay haatan ku sugan tahay duni kale mana arko naadi la tartami karo, sidaa darteed waxaan dhihi kooxda uu haatan hogaamiyo Carlo Ancelotti waxay ka mid tahay kooxihii ugu wanaagsanaa ee ebid kubada cagta soo maray!”
“Muhiimada waxay tahay sida ay u joogteeyeen xili cayaareedkan guulahii ay sanadkii hore gaareen”
“Madrid waa koox jecel inay kulan walbo guuleesato, weerar halis ah ayay cayaartaa, daafac aad u wanaagsan ayay heesataa sidoo kalena xidigaha khadka dhexe kaga cayaaraan waa kuwo aan daalin”
Fabio Capello horey ayuu labo jeer kooxda Real Madrid macalin ugu noqday wuxuuna ku faraxsan yahay xili cayaareedkan kooxda reer Spain heerka ay kubada cagta ka gaartay.