Daafaca garabka bidix ee dalka Portugal Fabio Coentrao diyaar uma noqon doono inuu kooxdiisa Real Madrid kala qayb qaato International Championship Cup madaama uu dhaawac qabo.
Fabio Coentrao ayaa la xaqiijiyay inuusan u diyaarsaneyn safashada kooxdiisa Real Madrid wuxuna la daala dhacayaa dhaawac ka asiibay muruqa hoose.
Xidigan dhibaatada uu haatan muruqa ka qabo wuxuu kala soo laabtay fasaxa uu xagaagan ku maqnaa markii Madrid ay baariteen ku sameesay waxaa lagu ogaaday in muruqa lugta midig uu ka dhaawacan yahay.
Sidaa darteed fasaxa Madrid ku aadi doonto dalka Australia Fabio Coentrao kuma raaci doono madaama 18-ka bishan ay Real tartanka International Championnship Cup ay la cayaari doonto kooxda AS Roma.
Fabio Coentrao xili cayaareedkii hore kulamo badan Real Madrid uma safanin dhaawacyo iyo hoos u dhac u gaar ah ayaa la dageen wuxuuna cayaaray kaliya 16-kulan oo qura dhamaan tartamada kala duwan.
Waxaa la filaayay in macalin Rafeal Benitez uu xidigan xili cayaareedka cusub siin doono fursado dheeri ah balse dhaawac cusub ayuuba la kowsaday midaas oo sababi karto rajadii uu macalin Rafa ka qabay daafacan inuu dib u liqo.