Home » Falanqeynta » Falanqeynta Kulanka Inter Milan vs As Roma: Hanka Inter Ee Yurub & Cadaadiska Roma Ee UCL

Falanqeynta Kulanka Inter Milan vs As Roma: Hanka Inter Ee Yurub & Cadaadiska Roma Ee UCL


Inter vs Roma

Roma ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad xanuun badan madama ay lumisay hamigii ay ka laheed ku guuleysiga Scudetto madama ay 15-dhibcood ka hooseyso kooxda Juvetnus oo majaraha u heysta horyaalkaas.

Roma waxaa ciriiri ku haya kooxaha Lazio iyo Napoli kuwaas oo qudhooda doonaya iney booska kala baxaan kooxda Roma isla markaana ay kasoo qeyb galaan tartanka UCL xiliga soo aadan.

Sidoo kale Inter Milan iyana waxey dagaal ugu jirtaa iney tartanka Europa League-ga kasoo muuqato xagaaga soo aadan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Inter Milan vs As Roma

Tartanka: Serie A

Garoonka: Sansiro

Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Inter Milan waxey weyneysaa daafaceeda reer Chile Gary Medel kaas oo ganaax kaga maqnaan doona, sidoo kale waxey kooxda soo dhaweyn doontaa Guarin iyo Brozovic kuwaas oo ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay.

Davide Astori ayaa ganaax kaga maqnaan doona kooxda Roma waxaana booskiisa buuxin doona Kostas Manolas isaga ayaana booskisa buxin doona, walina Roma waxaa dhaawac kaga maqan, Gervinho halka De Rossi ay macquul tahay inuu soo laabto.

MA OGTAHAY:

Kulankii ugu dambeeyay labadaan kooxood wuxuu ka dhacay garoonka Olympico Stadium waxaana 4-2 ku badisay kooxda As Roma.

As Roma waxey rikoor fiican ka heysataa Inter Milan kulamadii ugu dambeeyay, madama aysan guuldaro la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Inter Milan:

Handanovic, D’Ambrosio, Ranocchia, Vidic, Jesus, Guarin, Brozovic, Hernanes, Shaqiri, Palacio, Icardi

As Roma:

De Sanctis, Florenzi, Yanga-Mbiwa, Manolas, Holebas, Nainggolan, De Rossi, Keita, Iturbe, Ljajic, Totti

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>