Home » Falanqeynta » Falanqeynta Kulanka Leicester City vs Liverpool: Balotelli Oo Seegi Doona & Lambert Oo Diyaar Ah

Falanqeynta Kulanka Leicester City vs Liverpool: Balotelli Oo Seegi Doona & Lambert Oo Diyaar Ah


Prediksi-Leicester-City-vs-Liverpool-3-Desember-2014

 

Liverpool ayaa u safri doonta garoonka ay Budhiistayaasha u duceeyeen ee King Power Stadium bilowgii xili ciyaareedkaan inkastoo kaliy hal guuldaro ay ku heleen garoonkaan tan iyo bilowga xili ciyaareedkaan.

Liverpool markii ugu dmabeysay waxey 1-0 guul ah ka heshay Stoke City halka Leicester City oo marti u aheyd QPR iyana loogu awood sheegtay 3-2 kulankii isbuucaan.

Branden Rodgers waxaa saaran cadaadis daran waxaana laga yaabaa inuu xilkiisa waayo hadii uu sii wado bandhigiisa xun iyadoo kooxda ay sanadkaan ku jirto kaalma hoose.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Leicester City vs Liverpool

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONO?

Liverpool dhaawacyo ku cusub ma jiraan, inkastoo ay weyneyso Sturridge, Balotelli iyo Falanagan, halka Leicester ay weyneyso kaliya kubad sameeyaheeda Dean Hammond.

MA OGTAHAY:

Labadaan kooxood waxey horay isku arkeen 89-jeer, 37-jeer Liverpool ayaa badisay, halka Leicester ay badisay 33-jeer, 19-jeerna barbaro ayey galeen.

Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood ciyaarayaan 10-sano kadib markii ugu dmabeysanaya waxey aheyd 2004 markaas oo ay ku kala baxeen barbaro 0-0.

Leicester waa koox ku taqasustay barbaraha, iyadoo 6-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku ciyaartay ay afar jeer barbaro gashay.

Liverpool waxey lumisay afar jeer, lixdii jeer oo ay banaanka kusoo ciyaareen xili ciyaareedkaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

LEICESTER CITY:

Schmeichel; De Laet, Morgan, Wasilewski, Konchesky; Mahrez, Cambiasso, James, Schlupp; Vardy, Ulloa

LIVERPOOL:

Mignolet; Johnson, Toure, Skrtel, Enrique; Lucas, Gerrard, Henderson, Lallana; Sterling, Lambert

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>