Manchester United ayaa mar kale garoonkeeda ku ciyaari doona caawa waxeyna Old Trafford kusoo dhaweyn doontaa kooxda Stoke City kulanka 14-aad ee horyaalka Ingiriiska.
Wiilasha Louis Van Gaal ayaa guul qurux badan ku gaaray gurigooda markii ay 3-0 ku garaaceen Hull City, Di Maria iyo Rooney ayey kulankaas wax kasoo gaareen inkastoo Rooney uu bad qabo halka Di Maria uu kulankaan seegi doono.
Manchester United waxey haatan fadhisaa booska 4-aad kala horeynta horyaalka Ingiriiska iyadoo 11-dhibcood ka hooseysa kooxda heysa hogaanka horyaalka ee Chelsea.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Man United vs Stoke City
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Old Trafford
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Angel Di Maria ayaa seegi doona kulankaan kaas oo muruqa ay wax kasoo gaareen kulankii Hull City, sidoo kalana Evans iyo Rooney ayaa shaki la galinayaa iney kulankaan ka qeyb qaataan, halka Jones iyo Lingard ay ku dhaw yahiin iney dib usoo laabtaan, waxaana wali mudo dheer garoomada ka maqan Daley Blind.
Phil Bardsley ayaa xanuun dartiis laga yaabaa inuu seego kulankaan, Halka Victor Moses, Steve Sidwell, Glen Whelan, Steve Sidwell, Robert Huth iyo Peter Odemwingie ay iyaguna ka maqan yahiin kulankaan madama ay dhaawacyo qabaan.
Charlie Adam ayaa kusoo bilaaban kara khadka dhexe, halka Bojan uu isna weerarkiisa la wadaagi doono xidigii hore Manchester United Mame Biram Diouf.
MA OGTAHAY:
Stoke City daafacoodii wuu daciifay waxaana in aan gool laga dhalin ugu dambeysay 29-kii September markaas oo ku beegan 2-bilood ka hor.
Manchester United ayaa daafaceeda soo hagaajineysa madama sadex gool kaliya laga dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League-ga England.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
MANCHESTER UNTIED:
De Gea; Valencia, Smalling, Rojo, Young; Carrick, Herrera, Fellaini; Mata; Rooney, Van Persie
STOKE CITY:
Begovic; Bardsley, Shawcross, Wilson, Pieters; Cameron, N’Zonzi; Walters, Bojan, Diouf; Crouch