Home » Maxaa Cusub » Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Kooxaha Aston Villa & Manchester United

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Galabta Dhexmari Doona Kooxaha Aston Villa & Manchester United

Manchester City

Aston Villa ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Manchester United Axada maanta ah, iyadoo ka war heysa in guul ay la simeyso kooxda difaacaneysa Premier League ee United oo leh 22 dhibcood.

Kooxda Paul Lambert ayaa ku raaxeysanaysay waqti fiican iyo qaab wanaagsan ka hor inta aysan niyad – jab 2-0 ah kala soo laaban Fulham todobaadkii la soo dhaafay.

Fabian Delph ayaa ka maqan kooxda Villa kaddib markii uu qaatay jaalihii 5aad ee xilli ciyaareedkan, halka Ron Vlaar uusan u muuqan in uu soo laaban karo kulankan.

Manchester United ayaa u safreysa Villa Park iyadoon wax guul ah gaarin sadaxdii ciyaarood ee u danbeysay Premier League, laakiin kooxda Shakhtar Donetsk ayay gurigooda ku garaaceen tartankaChampions League todobaadkii la soo dhaafay.

David Moyes ayaan heysan goolal dhaliye Robin van Persie, kaasi oo kooxdaka maqnaan doona muddo bil ah kaddib markii uu bowdadda ka dhaawacmay.

Qadka dhexe ee Marouane Fellaini ayaa laga yabaa in uu kulankan ku seego dhibaato dhabarka ka heysata laakiin waa suuragal in la safo.

Aston Villa ayaa  labo guul ah, sadax barbaro ah iyo hal qasaaro ah soo xareysatay lixdii kulan ee u danbeysay oo ay ciyaartay, halka Man United ay faraqa soo gashatay labo guul ah, labo barbaro ah iyo labo qasaaro ah lixdii kulan ee u danbeysay.

Line Up-ka Macquulka Ah

Aston Villa: Guzan; Bacuna, Baker, Lowton, Clark; Westwood, Tonev, Sylla; Benteke, Weimann, Agbonlahor.

Manchester United: De Gea; Rafael, Evra, Ferdinand, Evans; Jones, Cleverley, Valencia, Kagawa; Hernandez, Rooney.
Waxaa Aqrisay: (184)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>