Home » Falanqeynta » Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamasada Leh Ee Dhexmari Doona Kooxaha Tottenham vs Liverpool

Falanqeynta Kulanka Xiisaha & Xamasada Leh Ee Dhexmari Doona Kooxaha Tottenham vs Liverpool

liverpool-h1

Bisha December inta badan waa bisha ay kooxaha ugu awooda roon Premiership-ka ku kala haraan loolanka loogu jiro horyaalkan xiisaha badan sidaa darteed Tottenham iyo Liverpool kulanka ay maanta ku wada balansan yihiin wuxuu go’aamin karaa natiijada kasoo baxdo kooxda safka hore ee horyaalkan ku dhameesan karto inkastoo kulankan lagu cayaari doono magaalada London hadana naadiga Spurs xili cayaareedkan xaalkeeda ma fadhiyo sidaa darteed Liverpool ayaa rabto inay ka faa’iideesato jah wareerka ay Spurs kasoo kabaneyso.

Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan naadi:

Liverpool kulankan wuxuu ugu soo beegmay xili ay la daala dhaceyso dhibaato dhaawacyo kala duwan waxaana kulankan adag ka maqnaan doonaan xidigaha kala ah Steven Gerard, Daniel Sturridge iyo Jose Enrique sidoo kale Daniel Agger ayaa tababarka Reds dib ugu soo laabtay inkastoo uu xanuun kaga maqnaa kooxdiisa todobaadyadii ugu dambeesay waxaana la filaa inuu kulankan ka qayb qaato.

dhanka Tottenham daafaceeda tayada wanaagsan Jan Vertonghen ayaan soo xaadiri doonon kulankan xasaasiga ah sidoo kalena xidigahan kala ah Emmanuel Adebayor, Younes Kaboul, Harry Kane iyo Vlad Chiriches ayaa seegi doonaan.

Dhacdo la xariirto kulankan:

  • Tottenham ayaa guuleesatay 6-ka mid ah 7-kulan ee ugu dambeesay oo ay garoonkeeda White Hart Lane ku qaabishay kooxda Liverpool Premiership-ka England.
  • Liverpool ugu yaraan 2-gool ayay dhalineesay 8-ka mid ah 10-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay Premiership-ka sidaa darteed kulankan xiisaha badan waxay u badan tahay inaysan gool la’aan bixi doonin.
  • Tottenham ugu yaraan 2-gool ayay dhalineesay 3-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay horyaalka England.
  • sidoo kale Liverpool ugu yaraan 2-gool ayaa shabaqeeda la taabsiiyay 4-kulan ee ugu dambeesay oo ay ku cayaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
  • Kooxda Tottenham waxay Premiership-ka xili cayaareedkan ka dhalisay 15-gool waxaana la yaab ah inay isku goolal yihiin Luis Suarez oo isna 15-gool horyaalkan ku horkacaayo!

Line Up-ka macquulka ah ee labadan naadi garoonka kusoo gali doonaan:

Tottenham: Lloris, Rose, Chiriches, Dawson, Walker, Dembélé, Sandro, Chadli, Paulinho, Lennon, Defoe

Liverpool: Mignolet, Sakho, Skrtel, Johnson, Flanagan, Lucas, Allen,Henderson, Coutinho, Sterling, Suarez


Waxaa Aqrisay: (138)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>