Weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao asiga iyo wakiilkiisa waxay wada hadalo meel wanaagsan maraayo kula jiraan kooxda Chelsea.
Sidoo kale Daily Mail ayaa sheegtay in Blues ay ku fikireyso xidigan inay si toos ah milkiydiisa ula wareegto kuna wareejiso naadiga AS Monaco £25m.
Balse macalin Jose Mourinho Falcao kaliya iskuma haleenayo wuxuuna wakiilada Chelsea galiyay heegan madaama Diego Coast uu doonayo inuu Spain dib ugu laabto.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Mourinho uu maamulka Chelsea ka dalbaday in garoonka Stamford la keeno labada weeraryahan ee kala ah Christian Benteke (Aston Villa) iyo Gonzalo Higuain (Napoli).
Chelsea qiimo jaban labadan xidig kuma heli doonto waayo wada jirkooda waxaa lagu qiimeeyaa oo ay kooxahooda ku doonayaan £72M.
Sida darteed Blues waxay ku qasban tahay inay si taxadir ku dheehan suuqa Yurub kaga dukaameesato waxaana macquul ah sidii Chelsea lagu yaqiinay inay qaar ka mid ah xidigaheeda iibiso si ay saxiixyada ay dooneyso u hesho.