Weeraryahanka kooxda Man United Radamel Falcao ayaa rajo ka qabo inuu maalin un ka garab cayaaro xidiga aduunka ugu wanaagsan Cristiano Ronaldo.
Inkastoo labadan xidig isku koox ahayn hadana Falcao ayaa qarsan waayay jaceelka uu u qabo inuu Ronaldo ka garab cayaaro madaama uu la dhacsan yahay qaab cayaareedka xidiga reer Portugal.
“Inaan Ronaldo la cayaaro waxay ii ahaan laheyd sharaf aad u weyn waayo waa halyee kubada cagta laga heybeesto”
“Cristiano wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan ee ebid kubada cagta soo mareen sidaa darteed waxay ii tahay riyo aan niyada ku heysto inaan maalin un Ronaldo ka garab cayaaro”
Labadan xidig waxay leeyihiin hal wakiil kaasi oo ah Jorge Mendes, hadaba suurta galnimada ay ku wada cayaari karaan ayaa ah in Ronaldo uu Man United dib ugu soo laabto.
Ama Falcao uu xagaaga dambe kooxda Real Madrid ku biiro madaama weli heshiiska uu haatan Man United kula joogo weli rasmi loo badalin.
Hadaba suura gal ma tahay in labadan xidig mar un ayagoo isku koox ah garoon wada galaan!