Home » Maxaa Cusub » Fargie”Roy Keane Waa Xidigii Khadka Dhexe Ugu Wanaagsanaa Yurub Waayiiisii Cayaareed”

Fargie”Roy Keane Waa Xidigii Khadka Dhexe Ugu Wanaagsanaa Yurub Waayiiisii Cayaareed”


Roy_Keane_2709652k

Roy Keane dhawaan wuxuu soo bandhigay buug uu kaga hadlaayay taariikh nololeedkiisa cayaareed balse ruug cadaagan waxba uma reebanin macalinkiisii hore madaama uu aflagaado iyo hadalo ku duqeynayo Sir Alex uu buugiisa kusoo daabacay.

Balse Sir Alex Ferguson oo aan rabin inuu markale dagaal la galo Roy Keane ayaa amaan usoo jeediyay xidigan wuxuuna ku tilmaamay laacibii khadka dhexe ugu wanaagsanaa waayihii uu cayaari jiray.

“Roy Keane wuxuu geesi aan gan banin sidoo kalena waxaan ku tilmaami karaa laacibkii ugu wanaagsanaa khadka dhexe qaarada Yurub xiligii uu cayaar jiray”

“10-sano ee ugu dambeesay oo aan macalin United u ahaa kooxdeyda ma heesanin xidig Keane oo kale ah waxaana weli xasuustaa hogaankiisii wanaagsnaa iyo sidii uu naftiisa ugu huri jiray Man United”

Sir Alex ayaa la weydiiyay inuu haatan xiriir wanaagsan la leeyahay Keana tan iyo markii uu sanadii 2004 ka racadeeyay kooxda Man United balse Sir Alex ayaa arinkan ka gaabsaday wuxuuna diiday inuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo isaga iyo Keane dagaalkii dhex maray 10-sano ka hor.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>