Arsenal ayaa ku warantay iney diyaar u tahay saxiixa Jackson Martinez iyadoo miiska saareysa lacag dhan 25.4 Malyan Oo Pound, Porto ayeyna u badan tahay iney aqbasho lacagtaas.
Jackson Martinez ayaa ka mid ahaa liiska tiro weeraryahano ah oo uu xagaagan doonayay macalin Arsene Wenger inkastoo aysan suuragalin.
Arsenal ayaa saraakiil soo qiimeysa xaaladiisa u direysay bilooyinkii lasoo dhaafay inkastoo haatan ugu dambeyn ay ogolaatay iney bixineyso lacag dhan 25.4 Malyan Oo Pound.
Dhanka kale kooxda Porto ayaa u muuqata koox ku qanci karta lacagahaas inkastoo ay horay u sheegeen iney xidigaan ku iibinayaan 29 Malyan Oo Pound.
Sidoo kale kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo dhinac ka doonaya xidigaan ayaa u muuqda kuwo looga adkaaday loolanka.
Ugu dambeyntii Jackson Martinez ayaa dhaliyay 26-gool, 31-kulan oo uu u saftay kooxdiisa Porto dhamaan tartamada oo dhan.