FC Porto ayaa si awood ku dheehan cagta ku marisay kooxda qobka weyn Bayern Munich kulan ka tirsanaa wareega 8-aad ee Champion-ka.
Natiijadanayaa noqotay lama filaan madaama FC Porto 3-1 ay ugu awood sheegatay Bayern ku dhacay dalka Portugal lugta kowaad ee koobka horyaalada Yurub wareegiisa 8-aad.
Bayern Munich ayaa kulankan kusoo gashay ayadoo ay ka maqan yihiin 4-ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan Robben, Ribery, Shweinesteiger iyo Alaba madaama ay dhaawacyo kala duwan qabeen.
10-daqiiqo ee ugu horeesay Bayern jihada ayaa laga lumiyay waxaana loo diiday nasiino weliba Ricardo Quaresma ayaa daafacyada Bayern laba cad ka kala dhigay madaama uu labo gool mudadaas kaga dhaliyay.
Cayaarta oo socoto wax ka yar 90-ilbiriqsi Xabi Alonso ayaa kubad isku qalday asigoo taagan gooshiisa waxaana kubada ka dafay Jackson Martinez oo kubada ula tagay goolhaye Neuer markii uu maagay inuu kubada la dhaafo Neuer ayaa jalaafay waxaana Porto loo dhigay rigoore.
Goolhaye Neuer ayaa nasiibkiisa ku bad baaday madaama la siiyay kaarka hurdiga ah halka uu munaa kaarka cas in la siiyo.
Ricardo Quaresma ayaa gool u badalay rigooradii loo dhigay Porto wuxuuna u diray goolhaye Neuer jiho qaldan daqiiqadii 4-aad wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-0.
Bayern ayaa jah wareertay waxayna awoodi weesay inay kubada cayaarta waxyar ka dib Dante ayaa markiisa kubad isku qalday asigoo ahaa shaqsigii u dambeeyay daafacyada Bayern.
Waxaana kubada ka dafay Quaresma oo ula tagay goolhaye Neuer sidoo kalena si qurxoon u dhaliyay daqiiqadii 10-aad.
Macalin Pep Guardiola deymo ayaa kasoo hartay wuxuuna garan waayay halka ay wax ka qaldan yihiin madaama kooxdiisa cashar cusub loo dhigay qaybihii hore ee kulankan.
Bayern ayaa bilaawday bartamahii kulankan inay xasilooni hesho sidoo kalena kubada isku dhiib dhiibto sidoo kalena inay weerar bilabaan.
Thiago Alcantara ayaa gool muhiim ah Bayern u dhaliyay daqiiqadii 28-aad wuxuuna xidigan gool u badalay kubad uu dhanka midig kasoo karoosay Boateng oo joog hoose ku socotay cayaarta ayaa noqotay 2-1.
Labada koox ayaa bilaabeen inay kubada isla qeebsadaan halka ay Bayern hurdada ka kacday balse qaybtii hore 2-1 ayaa lagu kala nastay oo ay ku horkaceesay FC Porto.
Macalin Pep Guardiola ayaa xidigahiisa soo canaantay markii la isku soo laabtay xidigaha Bayern ayaa bilaabeen inay cadaadis saaran daafaca FC Porto.
Balse xidigaha Porto iyagana iska waalin waxay cayaareen kubad weerar celis ah si ay kaga faa’iideestaan dhulka furan oo ay Bayern baneesay.
Bayern waxaa qalbi jab ku riday Jackson Martinez oo cayaarta 3-1 ka dhigay daqiiqadii 65-aad wuxuuna xidiga reer Colombia ka faa’iideestay kubad uu madaxa la waayay Boateng oo qalad waali ah galay.
Martinez ayaa si sahlan Neuer dhinac kaga maray sidoo kalena kubada shabaqa dhex dhigay wuxuuna markale banaanka soo dhigay habacsanaanta ka muuqatay daafacyada Bayern.
Bayern uma suura galin inay hesho fursado ku filan waxayna naadiga Porto sameesay qaab difaac aad u adag oo aan la moodi karin.
Kulankan ayaa ku noqday Bayern mid mixnad ah waxaana xidigaha Bayern loo diiday inay kubada si fiican ugu weerar galaan waxana lala caayaray kubad adag qaybihii dambe ee kulankan.
Kulankan ayaa kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku raacday naadiga FC Porto waana markii ugu horeesay Porto ay garoonkeeda ku garaacdo Bayern ayadoo markii 3-aad ku martigalisay garoonkeeda tartankan.
FC Porto ayaa haatan heesato fursad wanaagsan oo ay Sem-finalaha Champion-ka ugu gudbi karto madaama ay 3-1 cagta ku marisay Bayern oo ka mid ah kooxaha tartankan loo sadaalinaayay inay ku guuleesato.