Sida ay ku warantay jariiradda As ee kasoo baxda dalka Spain kooxda FC Porto ee dalka Portugal ayaa adkeysay qiimaha daafacooda reer Brazil Danilo.
Danilo waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxaha Real Madrid iyo Manchester United kuwaas oo xidigaan ku doonaya aduun dhan 21 Malyan Oo Pound.
Si kastaba kooxda reer Portugal ayaa si rasmi ah u shaacisay in xidigeeda lagu qaadan karo aduun dhan 30 Malyan Oo Pound taasoo adeeg ku noqon karta kooxaha xidigaan doonaya.
Porto xidigaan wuxuu ugu fadhiyaa 8 Malyan oo Pound isagoo kaga yimid Santos sanadkii 2011, waxaana heshiiska uu naadigaan kula joogo uga haray 18-bilood.
Ugu dambeyntii kooxaha United iyo Real Madrid ayaan wali ka hadlin qiimaha la duldhigay6 walow ay si ba’an baahi ugu qanbaan.