Isha Wararka Ciyaaraha http://www.hiilkubad.com Hiilkubad.com Wed, 22 Jul 2015 09:06:20 +0000 en-US hourly 1 http://wordpress.org/?v=4.2.2 10-Saxiix Oo Xili Cayaareedkii Hore La Hadal Haayay Balse Xagaagan Fashil Ku Imaaday http://www.hiilkubad.com/10-saxiix-oo-xili-cayaareedkii-hore-la-hadal-haayay-balse-xagaagan-fashil-ku-imaaday/ http://www.hiilkubad.com/10-saxiix-oo-xili-cayaareedkii-hore-la-hadal-haayay-balse-xagaagan-fashil-ku-imaaday/#comments Wed, 22 Jul 2015 09:06:20 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20457 DI Maria 2

Xili cayaareedkii hore qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan waxay sameeyeen saxiixyo hadal heyn weyn wateen.

Balse nasiib daro 12-bilood kadib xidigahii lacagaha qaaliga ahaa ama lacagaha dhex dhexaadka ahaa lagu soo qaatay haatan fashil ayay ku sugan yihiin.

Waxaana la hadal hayaa 10-xidig oo xili cayaareedkii hore kooxaha caanka ah soo iibsadeen in xagaagan la fasixi doono kadib fashil ay muujiyeen.

Hadaba hoos kaga bogo 10-saxiix oo xili cayaareedkii hore la hadal haayay balse xagaagan fashil ku imaaday:

1) Mario Balotelli (Liverpool)

2) Angel Di Maria (Manchester United)

3) Filipe Luis (Chelsea)

4) Loic Remy (Chelsea)

5) Calum Chambers (Arsenal)

6) David Ospina (Arsenal)

7) Romelu Lukaku (Everton)

8) Juan Cuadrado (Chelsea)

9) Didier Drogba (free agent)

10) Rickie Lambert (Liverpool)

]]>
http://www.hiilkubad.com/10-saxiix-oo-xili-cayaareedkii-hore-la-hadal-haayay-balse-xagaagan-fashil-ku-imaaday/feed/ 0
Jack Wilshere Oo Lagu Daray Liiska Xidigaha Barcelona U Diiwaan Gashay Si Ay Booska Xavi U Buuxiyaan http://www.hiilkubad.com/jack-wilshere-oo-lagu-daray-liiska-xidigaha-barcelona-u-diiwaan-gashay-si-ay-booska-xavi-u-buuxiyaan/ http://www.hiilkubad.com/jack-wilshere-oo-lagu-daray-liiska-xidigaha-barcelona-u-diiwaan-gashay-si-ay-booska-xavi-u-buuxiyaan/#comments Wed, 22 Jul 2015 09:02:50 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20450 Jack Wilshere

Wargesyada gobolka Catalunya kasoo baxaan ayaa ku dareen Jack Wilshere liiska xidigaha kooxda Barcelona u diwaan gashay si ay booska halyee Xavi Hernandez u buuxiyaan.

Jack Wilshere oo khadka dhexe kaga cayaaro xulka England iyo naadiga Arsenal ayaa ka mid noqon doono xidigaha ay kooxda Barcelona lasoo xariiri doonto si ay booska Xavi u buuxiyaan.

Xidigaha kale ee Barca liiska ugu jiraan waxaa ka mid ah Paul Pogba, Marco Verratti, Ilkay Gundogan, Joe Moutinho iyo Santi Cazorla.

Xavi oo 35-jir ah ayaa dhawaan kooxda Barcelona macsalaameeyay wuxuuna ku biiray naadiga Al Sadd ee ka dhisan dalka Qatar.

Lama hubo in kooxda Arsenal ay iska iibin doono Wilshere oo 23-jir ah inkastoo xidigan dhaawacyo joogto ah ragaadiyeen sanidihii ugu dambeeyeen.

Wilshere waxaa lagu qiimeeyaa 30-milyan oo pound balse Barcelona xagaagan qorshaha uguma jiro inay xidigan iyo kooxdiisa Arsenal wada hadalo la furto.

]]>
http://www.hiilkubad.com/jack-wilshere-oo-lagu-daray-liiska-xidigaha-barcelona-u-diiwaan-gashay-si-ay-booska-xavi-u-buuxiyaan/feed/ 0
Suarez Oo Ku Rajo Weyn SaaxiibkiiS Pedro Inuu Barcelona Sii Joogi Doono Xili Uu Kusii Dhawaanayo Inuu Spain Isaga Hayaamo http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-ku-rajo-weyn-saaxiibkiis-pedro-inuu-barcelona-sii-joogi-doono-xili-uu-kusii-dhawaanayo-inuu-spain-isaga-hayaamo/ http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-ku-rajo-weyn-saaxiibkiis-pedro-inuu-barcelona-sii-joogi-doono-xili-uu-kusii-dhawaanayo-inuu-spain-isaga-hayaamo/#comments Wed, 22 Jul 2015 08:57:23 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20452 Suarez Trophy

Luis Suarez ayaa ka warhaayo wararka kala duwan ee sheegayo in xidiga ay Barcelona ka wada tirsan yihiin Pedro Rodriquez uu kusii dhawaanayo inuu garoonka Camp Nou isaga hayaamo.

Pedro ayaa dalabyo kala duwan ka heesto kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool inkastoo siweyn loo hadal haayo inuu Man United ku biiri rabo.

Luis Suarez ayaa arinkan ka aamusi waayay wuxuuna yiri “Waxaan jeclahay inuu Pedro nala sii joogo waayo xidig wanaagsan sidoo kalena wada shaqeyntiisa wacan tahay”

Pedro oo 27-jir ah waxaa qandaraaskiisa lagu jebin karaa  £22 million (€30m) waxaana la sheegay in lacagahan ay diyaar la tahay naadiga Man United.

Weeraryahankan xulka Spain ka tirsan xili cayaareedkii dhawaa 15-kulan ayuu cayaaray La Ligaha Spain waxaana booska ka xirteen Suarez, Neymar iyo Messi.

Pedro wuxuu kusoo biiray xarunta La Massia sanadii 2004 sidoo kalena kadibna wuxuu u dalacay kooxda heerka kowaad sanadii 2008.

Ilaa haatana wuxuu Barcelona kula guuleestay 5-jeer La Ligaha Spain iyo 3-jeer oo koobka horyaalada Yurub ah.

]]>
http://www.hiilkubad.com/suarez-oo-ku-rajo-weyn-saaxiibkiis-pedro-inuu-barcelona-sii-joogi-doono-xili-uu-kusii-dhawaanayo-inuu-spain-isaga-hayaamo/feed/ 0
Arsenal Oo Dhigeeda Chelsea Kaga Guuleesan Rabto Saxiixa Joao Moutinho Oo Khadka Dhexe Kaga cayaara Monaco http://www.hiilkubad.com/arsenal-oo-dhigeeda-chelsea-kaga-guuleesan-rabto-saxiixa-joao-moutinho-oo-khadka-dhexe-kaga-cayaara-monaco/ http://www.hiilkubad.com/arsenal-oo-dhigeeda-chelsea-kaga-guuleesan-rabto-saxiixa-joao-moutinho-oo-khadka-dhexe-kaga-cayaara-monaco/#comments Wed, 22 Jul 2015 08:54:02 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20446 Moutinho

Shabakada The Express ayaa shaacisay in Arsenal ay haatan hormar wanaagsan ka sameesay qaabkii ay kusoo xero galin laheyd xidiga xulka Portugal iyo naadiga Monaco khadka dhexe kaga cayaaro Joao Moutinho.

Joao Moutinho xagaagan naadiga Chelsea ayaa lala xariirinaayay balse Blues wax hormar ah kama sameynin sidii ay kula soo wareegi laheyd 28-jirkan oo haatan la hadal haayo inuu Arsenal ka mid noqon doono.

Laacibkan waaya araga ah Arsenal waxay ku qaadan doontaa qiimo iska dhex dhexaad oo lagu sheegay £14m madaama uu isaga kooxdiisa Monaco ka dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.

Moutinho xagaagii 2013 ayuu naadiga Monaco kaga soo biiray kooxda FC Porto balse haatan wuxuu doonayaa inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqo madaama uu xiiseenayo ka hoos shaqeynta macalin Arsene Wenger.

Arsenal waxaa bartilmaameed kowaa u ahaa William Carvalho balse xidigan dhaawac jab ah ayaa soo gaaray dhawaan midaasna waxay ku qasabtay Gunners-ka in haatan ay Moutinho saxiixiisa u dhaqaaqdo.

Arsenal waxay ku qasban tahay inay lasoo saxiixato kubad bur buriye tayo wanaagsan madaama Francis Coquelin aysan isku haleen karin ayadoo tartamo badan u dagaalami doonto xili cayaareedka cusub.

]]>
http://www.hiilkubad.com/arsenal-oo-dhigeeda-chelsea-kaga-guuleesan-rabto-saxiixa-joao-moutinho-oo-khadka-dhexe-kaga-cayaara-monaco/feed/ 0
Kooxda Roma Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis La Gaarto Goolhaye Wojciech Szczesny http://www.hiilkubad.com/kooxda-roma-oo-qarka-u-saaran-inay-heshiis-la-gaarto-goolhaye-wojciech-szczesny/ http://www.hiilkubad.com/kooxda-roma-oo-qarka-u-saaran-inay-heshiis-la-gaarto-goolhaye-wojciech-szczesny/#comments Wed, 22 Jul 2015 08:47:58 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20445 Wojciech Szczesny s

Naadiga AS Roma ayaa ku guuleesatay saxiixa goolhayaha reer Poland Wojciech Szczesny kana tisan kooxda Arsenal.

Madaama goolhayaha kowaad ee Roma Morgan De Sanctis uu cayaaraha ka fariisan doono xagaaga dambe waxay kooxdan ku qasban tahay inay goolhaye cusub gacanta kusoo dhigto.

Waxayna haatan Roma qarka u saaran tahay inay heshiiskiisa dhameestirto goolhaye Wojciech Szczesny oo kooxdiisa Arsenal ka dalbaday in xagaagan la iska fasaxo.

Roma heshiiska shaqsiga ah waxay la gaartay Wojciech Szczesny sidoo kalena haatan wada hadalo waxay la wadaa Arsenal si goolhayahan qiimo jaban looga iibiyo.

Roma dooqeeda kowaad waxay ahaayeen goolhayaha xulka Argentina Sergio Romero oo haatan Man Unite dku biiri rabo iyo goolhaye Salvatore Sirigu oo iska diiday inuu kooxdiisa PSG ka tago.

Sidaa darteed Roma oo aan rabin inuu waqti badan ka lumo waxay haatan heshiis la gaartay Wojciech Szczesny oo ka gadoodsan inuu Arsenal lasii joogo marba hadii Petr Cech uu garoonka Emirates dhawaan imaaday.

Wojciech Szczesny oo 25-jir ah xili cayaareedkii dhawaa wuxuu xulkiisa Poland u saftay 23-kulan wuxuuna go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed Serie A-da Talyaaniga kasoo wato.

]]>
http://www.hiilkubad.com/kooxda-roma-oo-qarka-u-saaran-inay-heshiis-la-gaarto-goolhaye-wojciech-szczesny/feed/ 0
Kooxda Man City Ku Hungowday Saxiixa Kevin De Bruyne Madaama Shaaca Laga Qaaday Inuusan Beec Ahayn http://www.hiilkubad.com/kooxda-man-city-ku-hungowday-saxiixa-kevin-de-bruyne-madaama-shaaca-laga-qaaday-inuusan-beec-ahayn/ http://www.hiilkubad.com/kooxda-man-city-ku-hungowday-saxiixa-kevin-de-bruyne-madaama-shaaca-laga-qaaday-inuusan-beec-ahayn/#comments Wed, 22 Jul 2015 08:40:19 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20442 Kevin de Bruyne

Kooxda Man City ayaa niyad jab weyn kala kulantay sidii ay kusoo xero galin laheyd kubad sameeyaha reer Belgium Kevin De Bruyne.

De Bruyne wuxuu ka mid ahaa xidigaha qorshaha kowaad ugu jiray Man City inay xagaagan lasoo saxiixato balse haatan naadiga VFL Wolfsburg ayaa si rasmi ah u sheegtay in De Bruyne uusan beec ahayn.

Francisco Garcia oo ka mid ah madaxda ugu sareyso kooxda Wolfsburg wuxuu yiri “Wolfsburg diyaar uma ahan inay cayaartooy iska iibiso sidoo kalena Kevin marnaba kooxda xagaagan kama tagi doono”

“Dabcan Kevin isagana waa inuu ku qanacsan yahay joogitaanka halkan mana ka walaacsani xaaladiisa madaama uu aad ugu faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Wolfsburg”

24-jirkan kubada sida wacan u qaabeen karo sidoo kale kooxda PSG ayaa saxiixiisa ku raad joogtay balse hadalka kasoo yeeray maamulka Wolfsburg ayaa muujinaayo in xagaagan aan la iibin doonin.

De Bruyne waxaa lagu qiimeeyaa 50-milyan oo pound balse kooxdiisa Wolfsburg waxay dooneysaa inay xidigan ceshato madaama ay xili cayaareedka cusub ka qayb qaadan doonto koobka horyaalada Yurub.

]]>
http://www.hiilkubad.com/kooxda-man-city-ku-hungowday-saxiixa-kevin-de-bruyne-madaama-shaaca-laga-qaaday-inuusan-beec-ahayn/feed/ 0
Man United Oo £51m Kusoo Iibsan Doonto Labo Xidig Oo Muhiim Ah Maal Maha Nagu Soo Fool Leh http://www.hiilkubad.com/man-united-oo-51m-kusoo-iibsan-doonto-labo-xidig-oo-muhiim-ah-maal-maha-nagu-soo-fool-leh/ http://www.hiilkubad.com/man-united-oo-51m-kusoo-iibsan-doonto-labo-xidig-oo-muhiim-ah-maal-maha-nagu-soo-fool-leh/#comments Wed, 22 Jul 2015 08:35:35 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20438 Jasper Cillessen

Kooxda Man United lacagaha ay xagaagan suuqa Yurub ku qarash gareyneso marnaba hakad kuma imaaan doono waxayna haatan shaaca ka qaaday inay £51m maal maah nagu soo fool leh labo xidig oo muhiim ah kula soo saxiixan doonto.

Macalin Luis Van Gaal wuxuu ku kalsoon yahay saraakiishiisa suuqa Yurub u qaabilsan inay dhameyn karaan maal maha nagu soo fool leh saxiixyada Nicolas Otamendi iyo goolhaye Jasper Cillessen.

Wargesja The Metro ayaa shaaca ka qaaday in Man United ay haatan la heshiisay dhigeeda Ajax waxayna kaga soo qaadan doontaa goolhaye Jasper Cillessen £17.8m.

Balse lama ogo imaatinka goolhaye Jasper Cillessen inuu fududeen doono in goolhaye David De Gae uu kooxda Real Madrid ku biiri doono xagaagan.

Dhinaca kale shabakada Fichajes ayaa sheegtay in Man United ay ugu dambeyntii aqbashay inay bixiso qiimaha kooxda Valencia kaga samri karto daafaca reer Argentina Nicolas Otamendi.

Man United waxay bixin doontaa €50 (£33m) waana qiimaha kooxda Valencia daafacan kartida badan kaga samri karto.

27-jirkan wuxuu diiday inuu naadi kale ku biiro sidoo kalena wakiilkiisa iyo isaga waxay ku heshiiyeen inay xagaagan garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqaan.

]]>
http://www.hiilkubad.com/man-united-oo-51m-kusoo-iibsan-doonto-labo-xidig-oo-muhiim-ah-maal-maha-nagu-soo-fool-leh/feed/ 0
Nemanja Matic Oo Aan Ku Faraxsaneyn In Saaxiibkiis Petr Cech Uu Naadiga Arsenal Xagaagan Ku Biiray http://www.hiilkubad.com/nemanja-matic-oo-aan-ku-faraxsaneyn-in-saaxiibkiis-petr-cech-uu-naadiga-arsenal-xagaagan-ku-biiray/ http://www.hiilkubad.com/nemanja-matic-oo-aan-ku-faraxsaneyn-in-saaxiibkiis-petr-cech-uu-naadiga-arsenal-xagaagan-ku-biiray/#comments Tue, 21 Jul 2015 16:36:33 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20433 Arsenal-v-Everton

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Chelsea Nemanja Matic ayaa ka xun in saaxiibkiis ay isku kooxda ahaayeen goolhaye Pet Cech uu naadiga Arsenal xagaagan ku biiray.

Nemanja Matic ayaa aaminsan in Cech uu awood dheeraad ah kooxda Arsenal ku kordhin doono xili cayaareedka cusub.

Nemanja Matic oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Petr waa laacib aad u wanaagsan sidoo kalena ah goolhaye tayadiisa aad u sareyso waxaana hubaa inuu wax badan Arsenal ku kordhin karo”

“Waa saxiixii ugu wanaagsanaa oo ay Arsenal dhawaanahan sameyso laakiin aniga kuma faraxsani inuu Arsenal ku biiray”

“Petr wuxuu ka mid yahay goolhayeyaasha caalamka ugu wanaagsan balse waxaan jeclaan lahaa in xili cayaareedkan uusan bandhig wanaagsan sidii uu 10-sano iyo 11-sano ee ugu dambeesay u fiicnaa oo kale aana arkin”

“Balse waan ku farxasanahay inuu London kusii ahaan doono waxayna muhiim tahay asiga iyo qoyskiisa waxaana u rajeynaa nasiib wacan”

“Sidoo kale waxaa muujineyso Petr inuu yahay xidig aad u wanaagsan madaama ay kooxdiisa Arsenal heshiis 4-sano ah ka saxiixday”

Petr Cech xagaagan ayuu Arsenal ku biiray waxayna ku qaadatyay 10-milyan xili uu isaga hayaamay Chelsea oo uu mudo 10-sano ah ka tirsanaa.

]]>
http://www.hiilkubad.com/nemanja-matic-oo-aan-ku-faraxsaneyn-in-saaxiibkiis-petr-cech-uu-naadiga-arsenal-xagaagan-ku-biiray/feed/ 0
Philipp Lahm “Wuu Bixi Karaa Thomas Muller Xagaagan Wax Walbo Ayaa Dhici Karaan” http://www.hiilkubad.com/philipp-lahm-wuu-bixi-karaa-thomas-muller-xagaagan-wax-walbo-ayaa-dhici-karaan/ http://www.hiilkubad.com/philipp-lahm-wuu-bixi-karaa-thomas-muller-xagaagan-wax-walbo-ayaa-dhici-karaan/#comments Tue, 21 Jul 2015 16:07:09 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20430 Muller

Madaama siweyn loo hadal haayo in kooxda Man United ay lacago waali ah ku dooneyso Thomas Muller waxaa arinkan ka hadlay kabtanka Bayern Munich Philipp Lahm.

Philipp Lahm ayaa diiday inuu 100% xaqiijin karo in Thomas Muller uu xagaagan Bayern lasii joogi doono wuxuuna xidigan waaya araga ah sheegay in wax walbo ay suura gal yihiin.

Philipp Lahm wuxuu yiri “Kubada cagta wax kasto ayaa ka suura galaan, ma ahan arin aan go’aamin karo,sidaa darteed Thomas Muller ma xaqiijin karo 100% in xidigan uu nala sii joogi doono”

“Wax walbo ayaa la filan karaa sidoo kalena wax walbo lama sadaalin karo inkastoo Thomas uu muhiim inoo yahay hadana go’aanka mustaqbalkiisa cayaareed isaga ayaa iska leh”

Waxaa gudaha dalka Jarmalka laga hadal hayaa in Thomas Muller uu kooxdiisa Bayern ku cadaadinaayo inay dalabka Man United dhageestaan.

Man United ayaa ugu tala gashay inay Muller xagaagan 100-milyan oo euro ah kusoo iibsato waaa lacagtii ugu badneed ee ebid cayaaryahan kusoo iibsato naadi ka dhisan dalka England waa hadii uu heshiiskan hirgalo.

Man United ayaa dooneyso inay xidigii labaad kasoo iibsato kooxda Bayern Munich ayadoo dhawaan Bastian Schweinsteiger kasoo iibsatay.

]]>
http://www.hiilkubad.com/philipp-lahm-wuu-bixi-karaa-thomas-muller-xagaagan-wax-walbo-ayaa-dhici-karaan/feed/ 0
Mario Gotze Oo Ka Caawiyay Bayern Munich Inay Kooxda Inter Milan Kulan Saaxiibtinimo Ka Badiyaan http://www.hiilkubad.com/mario-gotze-oo-ka-caawiyay-bayern-munich-inay-kooxda-inter-milan-kulan-saaxiibtinimo-ka-badiyaan/ http://www.hiilkubad.com/mario-gotze-oo-ka-caawiyay-bayern-munich-inay-kooxda-inter-milan-kulan-saaxiibtinimo-ka-badiyaan/#comments Tue, 21 Jul 2015 15:57:09 +0000 http://www.hiilkubad.com/?p=20427 bayern

Weeraryahanka reer Jarmal Mario Gotze oo badal kusoo galay kulan saaxiibtinimo oo ay Bayern Munich la cayaartay naadiga Inter Milan ayaa guusha kooxdiisa siiyay.

Kulan xiisaha badan ee ka dhacay dalka China waxay Inter iyo Bayern soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan.

Gotze aya guusha Bayern siiyay cayaarta oo ka harsan 10-daqiiqo wuxuuna xidigan jebiyay daafaca Inter Milan oo kulan si wanaagsan u diyaarsanaa.

Waxaana si gaar ah kulan kan loo amaanay wada shaqeynta ay muujiyeen labada daafac ee kooxda Inter Milan Murillo and Rannochia.

Weliba daafaca reer Colombia Murillo oo Inter xagaagan kusoo biiray si wacan ayuu kulankan kaga baxsaday inkastoo qaybtii hore markii uu dhameestay dhaawac soo gaaray.

Bayern Munich 1-0 Inter: Gotze wins it late for Guardiola's men

Bayern Munich kulankan waxay heshay balse fursado badan waxaa iska qasaariyeen Thomas Muller iyo Robert Lewandowski.

Bayern ayaa kulan guusha ku qaadatay 1-0 waana kulankii labaad oo ay guuleesato safarka ay dalka China ku joogto madaama ay cayaarteedii kowaad 4-1 kaga badisay naadiga Valencia.

Madaama Bayern labadii kulan oo ay cayaartay ay badisay waxayna ku guuleesatay tartanka Audi Summer Tour of China.

Xaqiiqada kulankan:

Bayern Munich: Neuer (Ulreich 46) – Benatia (Steinhart 73), Boateng (Rafinha 59), Alaba – Alonso (Kimmich 46) – Costa (Rode 59), Lahm (Hojbjerg 40), Thiago (Gaudino 67), Bernat – Müller (Götze 46), Lewandowski (Green 73)

Inter Milan: Handanovic (Carrizo 46) – Montoya, Ranocchia, Murillo (Juan Jesus 41), Dimarco (Longo 55) – Brozovic (Nagatomo 70), Kovacic (Baldini 70), Kondogbia – Hernanes (Popa 70) – Palacio (Andreolli 55), Icardi (Delgado 60)

]]>
http://www.hiilkubad.com/mario-gotze-oo-ka-caawiyay-bayern-munich-inay-kooxda-inter-milan-kulan-saaxiibtinimo-ka-badiyaan/feed/ 0