Kooxda Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga ayaa dib usoo celisay xiisahii ay u qabtay weeraryahanka Manchester United Robin Van Persie kaas oo xili ciyaareedkaan qaab xun ku bilowday Horyaalka Ingiriiska.
Xidigaan reer Holland ayaa lala xiriiriyay naadiga Fenerbahce intuu uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, balse weeraryahanka ayaa go’aansaday inuu iska joogo Old Trafford madama kooxda loo dhiibay macalinkiisii hore Louis Van Gaal.
Daily Star ayaa ku warantay in Fenerbahce ay dooneyso iney sameyso dhaqaaq la taaban karo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January waxeyna sidoo kale ogaatay in kooxdaan ay wali dooneyso RVP.
Lama hubo hadii 31-jirkaan uu ka dhaqaaqi doono kooxda Shayaadinta Cas-cas, isagoo 2012 kaga soo biiray kooxda Arsenal, inkastoo cadaadis badan xidigaan uu kala kulmayo jamaahiirta kooxda.