Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Fernandez Tapias ayaa aaminsan in kooxda difacaaneysa Champions League ay noqon doonto koox aan lala tartamin hadii ay la saxiixato Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.
27-jirkaan reer Argentina ayaa maalmihii ugu dambeeyay hawada la galiyay mustaqbalkiisa Camp Nou, waxaana soo baxay warar sheegaya inuu xidigaan Madrid ku biiri doono hadiiba uu ka dhaqaajinayo Barcelona.
Si Kastaba Madaxweyne Ku Xigeenka kooxda Real Madrid ayaa cadeeyay in kooxdiisa aysan ka fiirsaneynin dalab ay u dirto Messi, wuxuuna cadeeyay in horyaal cusub uu u bilaaban doono marka loo fiiriyo awoodooda isla markaana ay adkaan doonto in lala tartamo hadii xidigaan uu kusoo biiro kooxda.
“Hadii Madrid uu yimaado Messi, waxey ka dhigi doontaa halkaan horyaal kale” ayuu yiri Fernandez Tapias
“Tusaale ahaan, horyaal yurub iyo America ah oo la isku geeyay isla markaana ka hor imaanaya Real Madrid”
Si Kastaba Lionel Messi ayaa dhaliyay 14-gool, 16-kulan oo uu Barcelona u saftay xagaagan dhamaan taramada oo dhan wuxuuna qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa ku egyahay 2018.