Macalin Luis Van Gaal dhawaan wuxuu ka dhawaajiyay inuu lasoo saxiixan doono weeraryahan aysan saxaafada afka ku heynin.
Sidaa darteed xidiga uu qarsoodi kusoo qaadan rabo Van Gaal waa Fernando Llorente oo fasax u heesto inuu la xaajoon karo naadigii uu doono.
Fernando Llorente kooxdiisa Juventus boos joogto ah kama heesto wuxuuna ka dalbaday in la iska fasaxo weeraryahankan ayaa diiday inuu kooxda AC Milan ku biiro madaama uu xiisenayo ka cayaarista Premiership-ka England.
30-jirkan xulka Spain wuxuu u saftay 23-kulan asigoo u dhaliyay 7-gool balse xulkiisa uma safanin tan iyo sanadii 2013 wuxuuna doonayaa inuu dalabka Man United ka faa’iideesto.
Fernando Llorente sanadii 2013 ayuu Juve yimid wuxuuna u dhaliyay 27-gool asigoo u saftay 90-kulan balse waqtigiisii ugu fiicnaa wuxuu kusoo qaatay naadiga Athletic Bilbao ee uu ka tirsanaa 17-sano asigoo u saftay 333-kulan una dhaliyay 118-gool.
Madaama Juve ay xagaagan lasoo wareegtay Simone Zaza, Mario Mandzukic iyo Paulo Dybala xidigan joogis uma taalo wuxuuna garoonka Old Trafford ku imaan karaa wax ka yar 5-milyan oo euro ah.
Sidaa darteed macalin Van Gaal ayaa doonayo inuu waara aragnimada Llorente ka faa’iideesto sidoo kalena weerarka Man United ku aamino madaama ay kooxdan tartamo kala duwan cayaari doonto xili cayaareedka cusub.