31-jirka reer Spain Fernando Torres wuxuu kooxda Liverpool ka tirsanaa intii u dhaxeesay 2007 ilaa 2011 kadibna waxaa 50-milyan oo pound ku iibsatay naadiga Chelsea.
Torres ayaa dib ugu soo laabtay garoonka Anfield wuxuuna maanta ka qayb qaadan doonaa kulan sadaqo ah oo ay kasoo muuqaan doonaan qaar ka mid ah xidigaha caalamka ugu magaca dheer.
Torres kulankan wuxuu ka garab cayaari doonaa Steven Gerrard iyo Luis Suarez wuxuuna sheegay hadii uu gool ka dhaliyo Anfield inuu dabaal deg weyn sameyn doono.
“Hadii aan maanta Anfield gool ku dhaliyo waxaan u dabaal dagi doonaa sida Liverpool inaan gool ugu dhaliyay kulan caalami oo kale”
“Xasuub badan oo aad u wacan ayaan halkan ka heestaa sidoo kalena farxad ayay ii tahay inaan markale kasoo hor muuqan doono Kops-ka oo sanado badan ii sacbin jireen”
Kulankan ayaa la sheegay in dhamaan la iibsaday Tikitkii loogu tala galay sidoo kalena ay taageerayaal badan banaanka Anfield ka daawan doonaan madaama xidigo kubada caan ka ah ay ka qayb qaadan doonaan.